Maxaad ka taqaan shaqsiyaadka uu dalka ka xasili la’ yahay (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo inta badan Siyaasiyiinta Soomaalida ah ay kawada siman yihiin dibindaabada Somalia, ayaa waxaa haddana jira Siyaasiyiin si gaar ah ugu sifowday burburinta Somalia.

Siyaasiyiinta ku sifowday Siyaasada qeexeysa dalka burburinta ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Ex Madxaweynihii Puntland C/raxmaan Faroole kuwaasi oo Siyaasado kala jaan ah ay kala dhexeyso dowlada Ethiopia.

Siyaasiyiintaani ayaa burburka Somalia u adeegsada qaabab kala duwan waxa ayna iminka xogtu tibaaxeysaa in Seddexdaasi mas’uul ay Hubka u iibiyaan dowlada Ethiopia, isla markaana qaabab hoose uga ganacsadaan kuwa feega ah.

Ilo diblumaasiyiin ah ayaa xaqiijiyay in C/wali Gaas, Shariif Xassan iyo C/raxmaan Faroole xeriirka kala dhexeeya Ethiopia uu yahay mid ka fac weyn Siyaasada balse gaarsiisan ilaa heer ganacsi.

Waxa ay sidoo kale ka siman yihiin danta guud ee lagu burburinaayo dalka Somalia, iyaga oo si toos ah uga amarqaata dowlada Ethiopia si uu usii xoogeysto xiriirka Seddexdaasi dhinac iyo kan dowladaasi.

Hubka qaar ayaa la sheegay in loo soo mariyo dhulka, kuwaasi oo u badan kuwo aan rajo laheyn oo la doonaayo in lagu haligo umadda Soomaaliyeed ee iyadu is nacday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Hubka qarsoodiga ee salka ku haya habka ganacsi ee dhinacyadaasi ayaa waxaa barbar socda mashaariic kale oo ka dhexeeya dowlada Ethiopia iyo Seddexdaasi dhinac, taa oo qaabab kala duwan uga socta dalka, balse loo muuqaal ekeysiiyo mashaariic dowladeed.

Baaritaan dheer oo aan sameynay ayaa waxaan ku xaqiijinay in Seddexdaasi shaqsi ee aan kor kusoo xusnay ay u taagan yihiin carqaladeynta Siyaasada Somalia, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in Somalia aysan caga dhigan inta laga hirgaliyo danaha dalka Ethiopia.

Hadafka guud ayaa ah xasilooni darro, amni xumaada, kalsooni la’aan ka dhex curata madaxda ugu sareysa ee dalka iyo in dalka Somalia uusan caga dhigan, waxaana dhammaan arrimahaasi Ethiopia uga wakiil ah Seddexda shaqsi ee kor ku xusan.

Seddexdaani Siyaasi ee caqabada ku ah xasiloonida Somalia, ayaa kaalimaha koowaad ka galay carqaladeynta Siyaasada Somalia, iyaga oo noocyo kala duwan u adeegsada xasil darida.

Si kastaba ha ahaatee, shaqsiyaadkaani uu dalka ka degi la’ yahay, ayaa waxaa u taag waayay inta samaha jecel oo iyagu siyaabo kala duwan digniino uga soo saaray, hayeeshee waxaa muuqaneysa inaanu jirin dareen ka celinaaya hadafka ah dal burburinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com