Isku daygii lagu KHAARIJIN rabay Imran Khan – Maxaan ognahay illaa iyo hadda?

Lahore (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga toogtay lugta galabinimadii Khamiista, xilli la isku dayey in la khaarajiyo.

Haddab waa kuwan waxa aan ka ognahay dhacdadan illaa hadda:

– Weerarka –

Khan waxaa ku dhacay rasaas la furay intii uu socday dibadbax ka dhacay magaalada Wazirabad. 70 jirkan ayaa dul saarnaa konteenar, wuxuuna la hadlayey taageerayaashiisa, taasi oo qeyb ka aheyd dibadbax socod ah oo lagu tagi lahaa caasimadda Islamabad.

Taleefishinada Pakistan ayaa baahiyey muuqaallo muujinaya Khan iyo kooxda la socotay oo gambanaya ayada oo ay dhaceyso rasaas darandoori ah.

Diiwaanka isbitaallada ayaa muujiyey in ka sokow Khan, toban qof oo kale la dhaawacay, kuwaas oo saddex ka mid ah ay rasaasta haleeshay. Waxaa sidoo kale la dilay hal qof.

Dibad-baxayaal ayaa gubay taayaro, waxayna xanibeen waddooyinka dhowr magaalo oo Pakistan ka mid ah Khamiistii. Waxaa sidoo kale la qorsheeyey dibad-baxyo dheeri kadib salaadda Jimcaha.

– Dhaawacyada –

Khan waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Lahore, wuxuuna maray qalliin, hase yeeshee dhaqaatiirta ayaa sheegay in xaaladdiisa ay degan tahay. Weli ma cadda inta rasaas ee ku dhacday.

Goobjooge ayaa sheegay in Khan uu miyir qabay kadib weerarka, uuna muujinayey astaan guul kahor inta aan goobta lagala cararin.

Xiddigii hore ee cayaarta cricket-ka ayaa xalay ku baryey Isbitaalka, hase yeeshee wuxuu kulamo la qaadanayey saaxiibada xisbigiisa Tehreek-e-Insaf (PTI).

Waxaa la filayey inuu khudbad jeediyo kadib salaadda Jimcaha.

– Qofka toogashada fuliyey –

Booliska ayaa xabsiga ku haya hal nin. Muuqaal u muuqda qirasho oo baraha bulshada la wareejinayo — ayna soo xigatay dowladda — ayaa tuhunsanaha wuxuu ku qiranayaa inuu Khan u weeraray “inuu marin habaabinayo shacabka”.

Weli ma cadda haddii ninka toogashada fuliyey uu ka tirsan yahay koox siyaasadeed ama mintidiin.

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, mid ka mid ah dadkii ku sugnaa dibadb-baxa ayaa hor-istaagay ninka weerarka soo qaaday, isaga oo la hardamay markii uu isku dayey inuu rasaasta furo, taasi oo keentay inuu seego bartilmaameedkiisa.

– Xog hore –

Khan ayaa ra’iisul wasaare noqday 2018, hase yeeshee wuxuu goobjoog u noqday hoos u dhac dhaqaale, wuxuuna lumiyey taageerada militariga awoodda badan.

Waxaa bishii April lagu riday codka kalsoonida baarlamanka, wuxuuna tan iyo markaas u ololeynayey in la qabto doorasho waqtigeeda kasoo hormarta.

– Taariikh –

Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan.

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu toogtay dibadbax ka dhacay magaalada Rawalpindi 1951-kii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay salaameysay taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi.

Tobanaan sano, Pakistan waxay sidoo kale la xarbineysaa islaamiyiin mayal adag, oo ku xooggan xuduudda dalkaas uu la wadaago Afghanistan.

AFP, VOA