Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo war kasoo saartay heshiiska Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku taageereyso heshiis ay gaareen dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.

Qoraalka ay soo saartay DFS ayaa ku bilowday, “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed ee ay wada gaadheen Dawladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega ee lagu soo afjaray colaadihii hubaysnaa.”

Dowladda Soomaaliya waxay bayaankaan ku cadeysay inay carabka ku adkeynayso in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacabka Itoobiya ee ku aaddan horumarka, barwaaqada iyo midnimada dalka Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaanka ururka Midowga Afrika ku bogaadisay dadaallada ay ku bixiyeen wada-hadallada nabadeed ee Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.

“DFS waxay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afrika martigelinta wada-hadallada nabadeed, iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedahay heshiiska sii kordhinaya xasilloonida Itoobiya iyo gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda heshiiskaan, waxayna si joogta ah u taageertaa Itoobiya oo nabad ah, dhaqaale ahaan horumarsan iyo Geeska Afrika oo ka caagan xasarado iyo colaado hubaysan, sida lagu cadeeyey qoraalkaan.

“Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Dhibaatada Afrikaanka ah – Xalka Afrika” uu u gogol xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjarta colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, isla markaana kor u qaada barwaaqada, kobaca dhaqaale ee Itoobiya, gobolka iyo meelo kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii qoraalka ay heshiiskaas ka soo sartay DFS waxaa lagu yiri, “Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto.”