Sawirro: NISA oo heshiis la gashay sirdoonka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Muqdisho kula kulmay agaasime ku xigeenka Nabad sugidda ee dalka Itoobiya.

Xog ay Caasimada Online ka heshay kulankaas ayaa xaqiijineysa in labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan dagaalka Al-Shabaab.

Kulankaan Muqdisho ay ku yeesheen madaxda labada sirdoon ayaa diiradda lagu saaray sida ay muhiim u tahay in sirdoonada labada dal ay iska kaashadaan ka hortagga khatarta argagixisada.

Agaasime ku xigeenka hey’adda nabad sugida Itoobiya General Sisay Tola, ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, wuxuuna la socday wafdi Soomaaliya keenay dawo ay dowladda Itoobiya ugu qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobe.

Agaasime Mahad Salaad ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii dowladda Soomaaliya ka socday ee shalay wafdiga Itoobiya Muqdisho ku soo dhaweysay.

Aragtida Mahad Salaad oo dadka ku yareed tan iyo markii loo magacaabay Taliyaha NISA ayaa shalay hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada, markii uu ka soo muqday warbaahinta, isagoo ku sugan garoonka Aadan Cadde.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee wajahaya khatarta ka imaa karta weerarrada Al-Shabaab, taas oo labada dalka muhiim uga dhigeysa inay iskaashi ka sameystaan dagaalka kooxda.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya wuxuu bogaadiyey heshiiska ay xukuumadda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada Pretoria ee waddanka Koofur Afrika.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexeeyaan, wajahayana khatar argagixiso oo isku mid ah.

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal ee ku aadan ka hor taga qataraha Argagixisada.