Sidee loo fashiliyey qaraxii ay Al-Shabaab kusoo weerareen MASAAJID CALI-GADUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Masaajid Cali-gaduud ayaa saakay fashiliyey gaari qarax ah oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku soo weeraraan deegaankaas.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku sugan deegaanka, gaariga qaraxa siday ayaa aad ugu soo dhawaaday ciidanka, waxaana lagu fashiliyey afaafka hore ee magaalada, gaar ahaan bar control oo ciidanku ay lahaayeen.

Gaariga ay Al-Shabaab u adeegsadeen qaraxaas ayaa ahaa Layla-calaawi, kaas oo inta badan loo adeegsado safarada gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Hase yeeshee ciidanka ayaa ka shakiyey gaariga oo xawaare badan ku socday iyo in kor aysan waxaba ka saareyn gaariga, sida lagu yaqaanay gaadiidka safarka ah, taas oo ciidanka u sahashay inay fashiliyaan qaraxaas.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Jeneraal Caanood ayaa maanta xaqiijiyey in qaaraxaas ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba askari, kuwaas oo ka mid ah askartii fashilisay gaariga qaraxa siday.

Deegaanka Masaajid CaliGaduud ee gobolka Sh/Dhexe oo ka mid ahaa talisyada ugu muhiimsanaa Al-shabaab ayaa dhawaan soo galay gacanta dowladda, kadib markii duqeyn looga saaray Shabaab-kii heystay sanadaha badan.

Dadka deegaanka Masaajid CaliGaduud ayaa warbaahinta u sheegay in saakay aroorninadii hore ay maqleen jugta gaariga lagu gubay duuleedka deegaanka oo aheyd mid aad u culus.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa Al-shabaab u ahaa mid istaraatiiji ah oo lacagaha canshuurta ah ay uga qaada jireen gadiidka u kala safra gobollada Hiiraan, Galgaduud, Sh/Dhexe iyo Mudug.

Sidoo kale deegaankaan waxay kooxdu ka difaaca jirtay Aadan-Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe oo weli gacanta ugu jirta Al-Shabaab, qaraxaan ay saakay soo abaabuleen ayaa ku soo aaday iyadoo deegaano hoos taga Aadan-Yabaal ay saakay ciidamada dowladdu ka xoreeyeen kooxda.