Israel oo afar sano kadib ka qoomamaysay go’aan Iran ka dhan ah oo ay cadaadisay

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa qoomaamo ka muujiyay inay madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ku dhiirrigeliyeen inuu isaga baxo heshiiskii Nukliyeerka ee Iran lala gaaray sannadkii 2015-ka kaas oo soo dedejiyay inuu burburo. 

Hoggaanka amniga Israel oo shir wada-tashi ah yeeshay ayaa muujiyay qoomamadooda la xiriirta in doorkii ay ka qaateen go’aanka Trump ee heshiiska uu ahaa mid aad u cad, xilli weliba heshiiskaas mid la mid ah uu hadda ku dhow yahay in la saxiixo, sida ay shaacisay warbaahinta KAN ee Israel.

Ra’iisul wasaare Yair Lapid ayaa ka qeybgalay shirkaas, sida ay ku warrantay KAN.

Warbixintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Maraykanka iyo Iran ay ku dhow yihiin inay saxiixaan heshiis dib u anba-qaadaya hubinta barnaamijka nukliyeerka Iran iyo dhimidda kobcinta macdanta uranium-ka si xayiraadda looga qaado. Bilowgii bishan, Midowga Yurub ayaa Iran iyo Maraykanka u gudbiyey hindisahooda kama dambeysta ah ee heshiiska. 

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa Talaadadii dhawayd sheegay inay daraaseynayaan dhabnimada iyo ka go’naanshiyaha Iran ee dib usoo celinta heshiiska ay la galayso awoodaha waaweyn oo ay Midowga Yurub kusoo bandhigeen wada-hadalkii ka dhacay Vienna. 

Suuragalnimada ‘gaaridda heshiis’ waxay dhabbaha u xaari doontaa qaadista cuna-qabataynta uu Maraykanku saaray Shidaalka Iran oo maalintii soo saari kara 2.5 milyan oo barmiil. 

Iran ayaa isaga baxday heshiiskii nukliyeerka oo ay la gaartay dalalka Maraykanka, Jarmalka, Faransiiska, Britain, Ruushka iyo Shiinaha sannadkii 2015. 

Sannadkii 2018-ka, Trump ayaa ka baxay heshiiska, isaga oo kadibna kusii giijiyey Iran cuna-qabatayntii saarneyd. Iran ayaa kadib ku dhowaaqday tallaabooyin jawaab celin u muuqda oo ay kaga falcelinayso cuna-qabataynta, sida kobcinta barnaamijka macdanta uranium-ka. 

Israel ayaa muddo dheer diidmo qayaxan kala horjoogtay heshiiska nukliyeerka ee Iran lala gaarayo.