Xog: Shaqaalaha Gobolka Banaadir oo ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bil ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka cabanaya mushaar la’aan in muddo ah, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in maalmaha soo socda madaxweynaha magacaabi doono shaqsigii badali lahaa Guddoomiyaha xilligaan xilka haaya ee Cumar Filish.

Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameysay shaqaale ka tirsan dowladda hoose ee Xamar, ayaa sheegay in bishaan socota ee Agoosto iyo labadii bil ee ka horeysay aysan jirin wax mashuur ah oo la siiyay shaqaalaha dowladda Hoose marka laga reebo inyar oo kooban ee ka tirsan xafiiska gobolka.

Shaqaale ka tirsan xafiiska Dowladda Hoose ee Xamar oo codsaday in magacyadooda qarino ayaa inoo xaqiijiyay in wax mashuur ah la siin shaqaalaha dowladda Hoose, waxayna intaa raaciyeen in ay ugu daran yihiin shaqaalaha rayidka oo ah kuwo u badan xoogsato iyo kuwa nadaafadda ka shaqeeya.

Cabashadaan ay soo dusiyeen shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa qaarkood waxay ku tilmaameen mid mar walba dhacda marka uu isbadal maamul uu dhici rabo, iyadoo ay ku fasireen inay tahay hanti aruursi dadban.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu soo waramayaa in maalmaha soo socda uu magacaabi doono guddoomiyaha cusub ee beddeli doona Cumar Filish oo maamulka cusub ee Xasan Sheekh u arko inuusan la jaan qaadi karin siyaasaddiisa maadaama uu ka tirsanaa Cumar Filish xubnihii gacan saarka iyo difaaca u ahaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha cusub ee Xasan Sheekh magacaabi doono ayaa la filayaa in uu kasoo dhex xusho afarta beelood ee Galmaax Yoonis, inkasta oo aysan caddeyn jufada uu si gaar ah uga soo xuli doono afarta beel.

Col. Cusmaan Xaadoole oo ah xildhibaan beesha Galmaax ayaa dadaal weyn u galay in xiligaan beesha Galmaax ay mudan tahay in lagu tixgeliyo hoggaanka Gobolka Banaadir, xilli sanadihii dhowaa xilkan la siinayey beesha Daa’uud ee Galmaax ay isugu yimaadaan Wacbuudhan.