Israel oo jawaab ka bixisay weerarkii buuraha Golan Heights

Jerusalem (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa weerartay bartilmaameedyo badan oo militari oo ku yaalla dalka Suuriya, ka dib markii gantaallo lagu soo tuuray dhulka ay maamusho habeenimadii xalay, militariga Israa’iil ayaa sidaasi sheegay.

Israa’iil ayaa waxay sheegtay in madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu garaacay xero ay leeyihiin ciidamada Suuriya, iyo gantaallada riddada dheer, kaddib lix gantaal lagu soo tuuray buuraha Golan Heights.

Saraakiisha ayaa sheegay in saddex gantaal ay ku dhaceen dhulka Israa’iil. Laba ayaa waxey ku dhaceen dhul furan, halka midka saddexaadna la qabtay.

Qoraal ay soo dhigtay barta Facebook-ga, ayay wasaaradda gaashaandhigga Suuriya ku xaqiijisay weerarada.

Saraakiisha difaaca Israa’iil, ayaa sheegay inay fal celin dhanka cirka ah ay kala hor tageen gantaalada lagu soo weeraray, ayna ku guuleysteen inay qabtaan qaar ka mid ah gantaalada.

Waxa ay intaa ku dareen inaysan jirin wax khasaare ah nafeed oo ka dhashay duqeyntaasi, iyadoo ay jiraan khasaare ay soo gaarsiisay duqeynta qalabyada qaarkood.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda Suuriya, ayaa sheegtay in qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow caasimadda magaalada Dimishiq.

Kal hore, ayaa waxaa Buuraha Golan laga maqlay dhawaqadayuuradaha dagaalka, kadib markii gantaalo laga soo tuuray dhulka Suuriya, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in guutada Al-Qudus – oo ah garab hubeysan oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Jihaad Islaami ee Falastiin ee ay taageerto Iran – ay sheegteen inay ka danbeeyeen weerarada.

War qoraal ah oo ay soo saareen gelinkii hore ee Axaddii, ciidamada difaaca Israa’iil, ayaa waxay ku sheegeen “inay u arkaan in dawladda Suuriya ay mas’uul ka tahay dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhacaya gudaha dalkeeda, mana oggolaan doonto isku day kasta oo lagu xad-gudbayo madax-bannaanida Israa’iil”.

Israa’iil ayaa waxay qabsatay buuraleyda Golan Heights, oo ah 1,200-sq-km (460-sq-mile), oo ay horay u maamuli jirtay dowladda Suuriya, intii lagu jiray dagaalkii lixda maalmood socday sanadkii 1967-kii, waxayna la wareegtay sanadkii 1981-kii, tallaabadaas oo aysan aqoonsan inta badan beesha caalamka.

Weeraradan ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda gobolka. Jimcihii, Israa’iil ayaa waxay duqaysay dhowr bartilmaameed oo ku yaalla koonfurta dalka Lubnaan, oo ay leeyihiin kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas, kuwaasoo ay ku eedeeyeen 34 gantaal oo Khamiistii lagu soo riday waqooyiga Israa’iil.

Dhinaca kale, boqolaal Falastiiniyiin ah, ayaa isku gadaamay gudaha masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus ee la haysto, taasoo sare u sii qaadaysa cabsida laga qabo inay mar kale isku dhacaan booliiska Israa’iil.

Todobaadki hore ayaa waxaa jiray muuqaalo rabshado wata, kadib markii booliiska Israel ay weerareen masjidka, iyagoo sheegay in “kuwo wax kiciya” ay isku xireen naftooda, iyo dadkii ku cibaadeysanayay gudaha masjidka.

Dowladda Urdun – oo maamusha xarunta diinta – ayaa ka digtay masiibo ka dhalan karta haddii booliisku ay galaan masjidka.

BBC