Faahfaahin: Dagaal galabta ka dhacay Hiiraan iyo degaano laga saaray Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan kula dagaalamay kooxda Al-Shabaab, dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka Baareey oo dhaca koonfurta magaalada Beledweyne.

Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay galabta weerareen deegaankaas oo fariisin ay ku lahaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal waqti kooban socda.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa ku warramaya inay cagta mariyeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee deegaankaas ku sugnaa, isla markaana ay dileen dhowr dagaalame, inkastoo aysan soo bandhigin tiro rasmi ah.

Sidoo kale ciidanka ayaa burburiyay Dooman ay Al-Shabaab uga soo tallaabi jireen dhinaca galbeed ee wabiga Shabeelle oo ay ku badan yihiin.

Deegaanada dhaca koonfurta magaalada Beledweyne ee ku teedsan wabiga Shabeelle waxaa weli ka socda howlgal culus oo guddoomiye Cali Jeyte uu hoggaaminayo, waxayna labadii maalmood ee lasoo dhaafay Al-Shabaab ka saareen in ka badan 20 deegaan.

Howlgalkaan waxaa qeyb ka ah ciidan xoog leh oo Taliyaha qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Tawane Axmed Maxamed iyo Taliyaha guutada 5-aad ee qeybtaas Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ay hoggaaminayaan.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa maalin ka hor sheegay in markii ay isku furan deegaanada dhaca koonfurta gobolka Hiiraan ay u sii gudbi doonaan dhinaca galbeed ee gobolka oo deegaano badan ay Al-Shabaab ka joogaan.

Qeybo badan oo ka tirsan gobollada dhexe ee dalka waxaa ka socda guluf dagaal oo xoog leh, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Al-Shabaab laga xoreeyo guud ahaan dhulka la isku yiraahdo gobolada dhexe, sida uu yahay qorshaha dowladda.