Daawo: Maxaa ka jira in SOMALILAND laga helay qabriga ABGAAL Cismaan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda beelaha Irirsamaale ayaa maanta booqday qabriga ninkii ay ka soo farcantay beelweynta Abgaal oo ku aasan deegaan lagu magacaabo Abdaal oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Barbara iyo Hargeysa.

Wafdigaan oo isugu jira xubno ka soo baxay Muqdisho iyo xubno ka soo jeeda Somaliland, isla markaana isku baheystay magaca Irirsamaale ayaa maanta booqday qabriga Sheekh Abgaal Cismaan.

Suldaan Hooley oo hoggaaminaya wafdiga Irirsamaale ee Muqdisho ka baxay iyo Cabdullahi Cumar Calasow oo ah guddoomiyaha dhalinyarada Mudullood ayaa halkaas kula hadlay warbaahinta.

Suldaanka ayaa sheegay in beelaha Hawiye ay Somaliland ka codsanayaan in dhulkaan loo waqfo Sheekh Abgaal Cismaan oo ku aasan.

“Tani waxay cadeyn u tahay in Irirsamaale wda dhashay, odayaashii kale ee Hiraab sida Maxamuud Hiraab (Duduble) waxay ku aasan yihiin Boorame, awoowgeen Abgaal Cismaan inaan qabrigiisa soo booqano maanta waxay nooga dhigan tahay wax weyn,” ayuu yiri Suldaan Hooley.

Cabdullahi Cumar Calasow oo ah guddoomiyaha dhalinyarada Mudullood ayaa bulshada deegaankaas uga mahad celiyey sida ay u daryeeleen qabriga, “deegaankaan waxaa horay u saldhigtay awoowgeen Abgaal Cismaan, hadda waxaan ka dhisi doonaan goobo lagu barto diinta Islaamka,” ayuu yiri Cabdullahi Cumar.

Zakariye Nuur oo ka mid ah dhalinyarada ku jirta wafdigaan, isla markaana ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa sheegay in imaamka guud ee beelaha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo muftiga weyn Sheekh Cismaan Xidig ay gabar ka mid ah wafdigaan oo Caasha Cagoole la yiraahdo u soo wakiisheen inay qabriga ka ag-dhisto masjid iyo goobo lagu barto diinta Islaamka.

Hoos ka daawo