Israel oo ku hanjabtay inay hubka nuclear dunida uga tir-tiri doonto wadanka…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Isaga oo dhinaca taagan warshad sameysa atoomika oo qarsoodi ah, ayaa ra’iisul wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu waxa uu ku hanjabay inuu dunida ka masaxi doono dalal uu ku sheegay inay yihiin cadowga Israel.

Khudbadda Netnayahu oo dad badan ay u arkeen inay jebisay aamusnaantii Israel ee hubkeeda Nuclear-ka, ayaa hoggaamiyaha Likud waxa uu ku sheegay in dalkiisu haysto awood uu ku burburiyo cadowgiisa.

“Kuwa ku hanjabay inay dunida naga masaxi doonaan waxay ayagana wajahayaan khatartaas oo kale, marnaba kuma guuleysan donaan hadafooda” ayuu yiri Netanyahu oo ku sugnaa magaalada saxaraha ah ee Dimona. Magaaladan ayaa waxaa mudd la tuhunsanaa inay tahay halka lagu dhisay hubka nuclear-ka Israel.

Iran ayaa ka jawaabatay hanjabadda Netanyahu oo ay ugu yeereen nin dagaalka quuta, waxaana hadalkiisa ay u arkeen hanjabaad ayaga ku socota ay ugu yeereen ceeb.

“Iran oo ah dal aan haysan hub nuclear ayaa waxaa inuu hub nuclear ku masaxayo ugu hanjabayt nin dagaal ooge ah, isaga oo ag taagan warshad nuclear” waxaa sidaas twitter soo dhigay wasiirka arrimaha dibedda Iran Javad Zarif.

Israel ayaa la rumeysan yahay inay tahay dalka kaliya ee ku yaalla Bariga Dhexe ee haysta hub nuclear.