Imaaraadka oo qorshe ka dhan ah Sacuudiga, Qatar iyo Lebanon u adeegsatay Israel

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shirkad basaasnimada qaabilsan oo laga leeyahay Israel waydiisatay qalab lagu dabagalayo taleefoonka Ra’isulwasaaraha dalka Lubanon iyo qaar kale oo ka tirsan madaxda dowladaha Carabta sida la ogaaday Maalintii Jimcaha ahayd.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa inay waydiisatay NSO Group sidoo loo dhageysan lahaa taleefoonada siyaasiyiin badan oo dalalka carabta ah Gaar ahaan Boqorka Sacuudiga, Hoggaamiyaha Qatar iyo Ra’isulwasaaraha Lebanon Saad Hariri.

Ilaa hadda si cad looma ogo haddii dalabka Imaaraadka Carabta loo fuliyey isla markaasna la jabsaday Moobeelada Madaxda dowladaha kor lagu soo xusay.

Sida ay sheegtay New York Times dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo sanad ah adeegsaneysay Qalab ay sameeyeen basaasiin reer Israa’iil ah iyadoo la jabsanayey moobeelada Smartphones lana dhageysanayey wicitaanada Gudaha iyo kuwa Debadda ee taleefoonada madaxda qaar ka tirsan dowladaha Carabta.

NSO Group ayaa horey u sheegi jirtay inay macaamiisha ka gadanayo qalabkaas kaliya loo ogol yahay in loo adeegsado shakhsiyaadka dambiyada galo iyo kuwa looga shakisan yahay argagixisada,  waxaana macmiilka iibsanayo qalabkaas loo sheegi jiray inuu mas’uul ka yahay haddii uu u adeegsado xad-gudubyada xuquuqda madaniga ah.

Laba Kiis oo lasoo bandhigay Maalinti Khamiista aheyd ayaa shirkadaan iyo shirkadaha kale ee xiriirka la leh lagu eedeeyey in barnaamijyadaas loo adeegsaday dhaqdhaaqyo aan sharci aheyn.

Dowladaha Imaaradka iyo Sacuudiga ayaa muddo badan ahaa xulafo waxaana laga yaabaa inay arrintaan abuurto khilaaf ka dhex dhasho labadaan dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com