Israel oo walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaq militari oo ay Masar ka waddo xuduudda

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan Knesset-ka (Baarlamanka) Israa’iil ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee Masar ka waddo Siinaay, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay dhaafeen xuduudaha uu dhigayo heshiiskii nabadeed ee labada dal.

Hadalladan ayaa lagu soo bandhigay shir ka dhacay Knesset-ka oo cinwaankiisu ahaa ‘Xadka Israa’iil iyo Masar: Xaaladda Amni ee Isbeddelaysa,’ sida ay sheegtay warbaahinta Sama oo soo xiganaysa wakaaladda wararka ee JDN ee Israa’iil.

Ka qayb-galayaashu waxay adkeeyeen baahida loo qabo in laga feejignaado xaalad kasta oo suurta-agal ah, iyagoo tilmaamay in horumarrada ka socda xadka Masar — oo ay ka mid yihiin ballaarinta ciidamada iyo casriyeynta hubka — ay khatar gelin karaan ammaanka Israa’iil.

Inkasta oo ay qireen in iskaashi amni uu ka dhex jiro labada dal xilliyo gaar ah, haddana waxay xuseen in tallaabooyinka qaarkood ee Masar ay mararka qaar ka hor imaan karaan danaha Israa’iil.

Illaa iyo hadda, wax jawaab rasmi ah kama soo bixin dhanka Masar ee ku aaddan hadalladan.

Taliyihii hore ee Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF), Herzi Halevi, ayaa hore uga digay awoodda milatari iyo hubka casriga ah ee ay haystaan ciidamada Masar.

Sida uu qoray JDN, Halevi ayaa yiri, “Masar waxay leedahay ciidan ballaaran, hub casri ah, iyo tiro aad u badan oo askar dhulka ah,” isagoo intaas ku daray, “Haatan khatar toos ah ma jirto, balse xaaladdu wax ay is beddeli kartaa daqiiqad kasta.”

Dagaalladii Masar iyo Israa’iil iyo heshiiskii nabadeed

Masar iyo Israa’iil waxay dagaalameen dhowr jeer intii lagu jiray qarnigii 20-aad, kuwaas oo intooda badan salka ku hayey muran dhuleed, gaar ahaan deegaanka Siinaay. Dagaalkii ugu horreeyay wuxuu dhacay sanadkii 1948, kadib markii Israa’iil ay xornimadeeda ku dhawaaqday, taas oo dhalisay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948.

Dagaalladii kale ee waaweynaa waxaa ka mid ahaa:

Dagaalkii Suez (1956): Israa’iil, Britain, iyo France ayaa si wadajir ah u weeraray Masar si ay u xakameeyaan Kanaalka Suweys.

Dagaalkii Lixda Maalmood (1967): Israa’iil ayaa qabsatay Dhulka Siinaay, Dhulka Falastiiniyiinta, iyo Qudus Bari kadib dagaal lix maalmood socday.

Dagaalkii Yom Kippur (1973): Masar iyo Suuriya ayaa si lama filaan ah weerar ugu qaaday Israa’iil si ay dib ugu soo ceshadaan dhulalkii ay Israa’iil qabsatay 1967, taasoo keentay dagaal socday 19 maalmood.

Heshiiskii Camp David

Dagaalladii isdaba-joogga ahaa kadib, dadaallo nabadeed oo caalami ah ayaa lagu guuleystay markii la gaaray Heshiiskii Camp David sanadkii 1978. Heshiiskan oo uu martigeliyey madaxweynihii Mareykanka Jimmy Carter, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynihii Masar Anwar Sadat iyo ra’iisul wasaarahii Israa’iil Menachem Begin.

Heshiiskan waxa uu horseeday in Israa’iil ay dib ugu celiso Siinaay Masar, iyadoo la dhisay xuduud nabadeed oo rasmi ah. Heshiiskii nabadeed ee rasmiga ah ee labada dal waxa la saxiixay 1979, taasoo Israa’iil iyo Masar ka dhigtay labadii waddan ee ugu horreeyay ee Carab ah iyo Israa’iil oo nabad rasmi ah gaara.

Heshiiskaasi waxa uu dhigayay:

  • In Israa’iil ay si buuxda uga baxdo Siinaay.
  • In labada dal ay aqoonsadaan midba midka kale.
  • In la sameeyo xuduud ammaan ah oo ay ilaaliso qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Inkastoo xiriirka Israa’iil iyo Masar uu xasiloonaa tan iyo heshiiskii Camp David, haddana labada dal waxay mararka qaar wajahaan loollan dhinaca amniga ah, gaar ahaan xuduudaha Siinaay, halkaas oo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubaysan ay mararka qaar khatar ku keenaan nabadda.