ISRAEL oo weerarkii ugu dhimashada badnaa maanta ka fulisay Marinka GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa sheegay in dad ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay, weerar isugu jiray cirka, dhulka iyo badda oo ay Isra’il Sabtidi shalay ku qaadday bartamaha Gaza.

Weerarkan oo lagu tilmaamay kii ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza muddo hadda laga joogo 8 bilood, ayay ciidamada Isra’il ku sheegeen inuu qeyb ka ahaa howlgal ay ku soo badbaadiyeen afar qof oo ka mid ahaa la heystayaasha Isra’il ee ay Xamaas iyo kooxaha kale ku hayaan Gaza.

Millatariga Isra’il waxay sheegeen in howlgalkan ay ku soo furteen afarta qof uu ka dhacay xerada qaxootiga Nuseyrat ee bartamaha Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah meelaha ugu dadka badan Gaza.

Saraakiisha Gaza iyo ilaha caafimaadka ayaa sheegay weerarka ciidanka Israil ay shalay ku qaadeen xerada Nuseyrat ay ku dileen in ka badan 2010 ruux oo Falastiiniyiin ahoo ay ku jireen dumar iyo carruur.

Dhaqaatiirta aan Xuduudda laheyn ee (MSF) ayaa sheegtay in in isbitaalka Al Aqsta ee bartamaha Gaza ay ka tan bateen dhaawacyada, kuwaas oo u badnaa bay tiri hey’adda dumar iyo carruur. Dhaawacyada ayaa laga keenay Kaamka Nuseyraat.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in ay ogyihiin in khasaaraha weerarki ay ku qadeen Nuseyrat uu ka yaryahay 100 qof, balse aysan gareyn inta argagixiso ka ah dadkaasi ay dileen.

VOA