SOMALILAND oo heshay diyaarado ‘casri ah’ iyo qorshe culus oo socda + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay inay heshay diyaarado casri ah, ayada oo soo bandhigtay sawirada diyaaradahan cusub oo markii u horeysay ay yeelan doonto Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeer ku tegay Madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, oo la keenay diyaaradahan, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa Somaliland.

Bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Somailand ayaa waxaa lagu sheegay in muddo laba sanno ah ay qaadan doonaan casharada la xidhiidha cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha oo ay hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland u diyaarisay.

Si kastaba, diyaaradaha ayaa waxaa ka muuqda inaysan aheyn casri balse yihiin kuwa da’ ah.

Qorshaha ayaa ah sidii loo heli lahaa muwaadiniin aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyad, kana soo qalinjebiya dugsiga barashada duulimaadyada (Civil Aviation Institute), sida ay sheegtay Madaxtooyadda Somaliland.

Dugsigan noociisu ku cusub yahay Somaliland ayaa waxaa dhigi doono macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, madaama madaxweynaha uu qorshaynayo sidii looga midho dhalin lahaa hirgelinta iyo aas-aaska shirkada diyaaraha ee Somaliland Airline mustaqbalka dhaw.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu kormeeray taawarka laga hago diyaaradaha kala duwan ee isticmaalaya hawada Somaliland, isaggoo warbiximo ka dhegeystay maareeye ku xigeenka hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Sharmaake Ismaaciil Idiris iyo hawl-wadeenada maddaalayaasha ah ee habeen iyo maalin ku hawlan shaqada qaranka ee dhinaca hawada.

Mudane Biixi ayaa ugu dambeyntiina soo kormeeray taliska guud ee ciidanka milateriga Somaliland, halkaasi oo ku soo dhaweeyey taliyaha ciidanka, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil kala duwan, halka taliyaha ciidanka boolisa Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo hoggaanka dhismuhu ay ku soo dhaweyeen madaxweynaha dhismayaal ka socda taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland.