Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan dagaal beeleedka haatan kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud.
Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa shalay dib uga qarxay deegaanka Laandheer oo u dhexeeya magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi.
Sidoo kale dagaalkan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu badnaa, waxaana ku naf waayay ku dhowaad 50 ruux oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.
Qoor Qoor oo wareegto soo saaray ayaa haatan magacaabay guddi wasiiro ah oo ka kooban illaa 5 xubnood, waxayna kala yihiin wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga, wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, wasiirka gargaarka iyo wasiirka warfaafinta.
Sidoo kale warqaddan ayaa lagu faray hay’adaha amniga inay la shaqeeyaan guddiga wasiirada ah ee loo xil-saaray dagaal beeleedka ka socda gobolka Galgaduud.
“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha amniga ee dowlad Gaalmudug inay shaqeeyaan guddiga sare ku xusan, si loo joojiyo colaadda” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale, Galmudug ayaa u digtay dad ay sheegtay inay ku howlan yihiin hurinta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaanada maamulkaasi
“Waxaa looga digayaa kuwa ku howlan hurinta colaadaha iyo isku dirka walaalaha ah, kana dhex raadinaya dano raqiis ah inayo ka waantoobaan”
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.
Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka