28 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Itoobiya oo beddashay danjiraheeda Somalia kadib tallaabadii ay qaaday DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa haatan safiir cusub usoo magacoway Soomaaliya, kaas oo ku shaqeyn doono magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Danjiraha cusub oo lagu magacaabo Suleiman Dedefo Woshe ayaa beddalay safarkii hore ee Itoobiya, Mukhtaar Maxamed Waare oo laga cayriyay dalka, kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dal, sababo la xiriira heshiiskii badda ee uu Abiy Axmed la galay  Somaliland.

Mukhtaar Maxamed Waare ayaa ahaa Soomaali, waxaana haatan lagu soo beddalay ninkan oo lagu magacaabo Suleyman Dedefo oo hoggaamin doono howlgalka diblumaasiyadeed ee Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in safiirkooda cusub uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada waddan, si loo sii wado iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sawirro ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxaa ka muuqanayo danjiraha cusub oo uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) oo ku qaabilay xafiiskiisa.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Danjire Woshe inuu ku guuleysto howsha loo igmaday, isaga oo caddeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya si sare loogu qaado xiriirka dhow iyo isfahamka labada dhinac.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan uu soo hagaagay xiriirika tooska ah ee diblumaasiyadeed ee labada dhinac, kaas oo horay u go’ay, kadib markii Itoobiya ay Itoobiya qaaday tallaabooyin xadgudub ah oo ay ka caroortay dowladda Soomaaliya.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa billaabatay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad, welo markii dambe ay wada-hadal galeen labada dal oo heshiis ku gaaray dalka Turkiga.

Heshiiskaas kadib ayaa waxaa mar kale dib u bilowday xiriirkii labada dal, iyada oo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay yeesheen kulamo ka kala dhacay labada dal oo lagu dhammeystiray heshiiska ay ka gaareen xiisadda ka dhalatay doonista Itoobiya ee badda.

- Advertisement -

Read more

Local News