Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax culus oo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland maanta lagula eegtay qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen saraakii sar sare oo uu ku jiro taliyihii ururka labaad ee kumaandooska PMPF ee maamulka Puntland, Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo, kaas oo door muhiim ah ku lahaa dagaalka ka socda halkaasi.
Sidoo kale waxaa la dhinta sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Siciid Maxamuud Maxamed (Jiqda), waxaana saaka la kacday miino lagula eegtay nawaaxiga degaanka Dasaan ee Calmiskaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in miinada ay dhulka ugu aaseen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish, taas oo haleeshay baabuurka ay saarnayeen saraakiisha geeriyootay
Allaha u naxariistee Kabtan Leexo ayaa horay ugu dhaawacmay qarax la kacay gaarigii uu saarnaa, xilli ay ciidamadu ka guurayeen deegaanka Dharjaale, markalena wuxuu ku dhaawacmay dagaalkii Haraaryo, isaga oo mar kasta oo uu bogsado dib ugu laaban jiray furimaha dagaalka, hayeeshee saaka ayaa ku dhintay qarax ay la heshey kooxda Daacish.
Buuraha Calmiskaad ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo culus oo guullo waawayn ay kasoo hoyeen ciidanka Puntland oo dhul ballaaran ka sifeeyay kooxaha argagixisada.
Waxaa kale oo ciidamadu ay dileen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan ajaaniib badan, waxaana sidoo kale nolosha lagu qabtay kuwa kale oo nool.
Howlgalladan waxaa barbar socda duqeymo culus oo ay saaxibada caalamiga ah ka fuliyaan deegaannada la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Daacish.

