Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka ee Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 409 Qof xabsiga dhigtay, markii lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen rabshadihii dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka tirsan Gobolka Oromiya.
Belene Seyoum Woldeyes, oo u hadashay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in Maalmaha soo socda ay sii kordhi karto tirada haatan loo hayo rabshada Dalkaasi ka dhacay welina ay socdaan howl-gallada looga hor tagayo qaswadayaasha.
Billene Seyoum ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku dhinteen ficil aan macno laheyn oo ka dhacay gobollada Oromada iyo Harari, iyo magaalada bariga ku taal ee Dire Dawa.
Waxay intaas ku dartay inay socdaan baaritaanno la xiriira dhimasha iyo tirada dadka la qabtay oo ay sare u kici karto.
Rabshada uu Dhiig ku daatay ayaa dhowaan ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay ku jirto Caasimadda Addis ababa, markii Ninka u ololeeya qaddiyadda Oromada ee lagu Magacaabo, Jawar Mohammed uu ku dhawaaqay kacdoon ka dhan ah Dowladda.
Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
caasimada@live.com