Itoobiya oo ka jawaabtay gefkii ay dalal ugu sheegtay Somaliland iyo Puntland

Adis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa mar kale war kasoo saartay arrin xiisad dhalisay oo ku saabsaneyd in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay Dowlado madax banaan u aqoonsan tahay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Tuhunkaan ayaa imaaday kadib markii Bogga Internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya lagu arkay inay ku dartay Liiska dalalka ay matalaadda Diblumaasiyadeed ku leeyihiin Maamulada Somaliland iyo Puntland taasoo keentay inay qeylo dhaan ka muujiyaan siyaasiyiinta Soomaalida iyo madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inaysan marnaba diyaar u aheyn inay ku xadgudubyo madaxbanaanida Soomaaliya isla markaasna ay Somaliland iyo Puntland u aqoonsan tahay maamulo hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Nebiyat Getachew oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa yiri ” Itoobiya waxay Somaliland iyo Puntland u aqoonsan tahay inay yihiin Maamulo hoos yimaado Dowladda Federaalka Soomaaliya”

Sidoo kale Nebiyat Getachew ayaa sheegay inay Dowladda Itoobiya Xarumo Diblumaasiyadeed ku leedahay  Muqdisho, Somaliland iyo Puntland taasina aysan la micno aheyn inay u aqoonsan tahay dowlado madaxbanaan.

Mar wax laga waydiiyey sababta liiska Wadamada loogu daray Somaliland iyo Puntland ayuu ku jawaabay in Page-ka Wasaaradda ay ku qoran yihiin waxyaabo badan balse ay arrintaan dib u eegayaan.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Booggeeda ay ku leedahay Internetka ay dal ahaan ugu aqoonsatay Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ay tixeysay dalalka ay xarumaha Diblomaasiyadeed ku leedahay Dowladda Itoobiya.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay muran badan dhalisay tallaabadii ay Dowladda Itoobiya qariirada uga saartay Dalka Soomaaliya inkastoo markii dambe ay arrintaas raali gelin ka bixisay.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com