Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka jawaabay hadalkii Mahdi Guuleed, farriina u diray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 ayaa si weyn u dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya, xili uu maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Musharax Jabriil ayaa waxa uu sheegay in wax-qabadka dowladda uusan dhaafin wadada Maka Al Mukarama, taasi oo uu xusay inay ka dhaxashay dowladihii ka horeeyay, isla markaana aysan ka sameyn wax isbedel ah dagaal ka dhanka ah argagixisada.

Waxa kale oo uu wax laga xumaado oo aan la jeclaysan ku tilmaamay hadalkii dhawaan uu Mahdi Guuleed ku sheegay in wareega koowaad ee doorashada lagu kala bixi doono, kaasi oo sarre u qaaday tuhunka mucaaridka ah ee hanaanka doorashada soo socota.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalada noocaas ah xiligan loo baahneyn, balse laga sugayay madaxda sare ee dalka hadal wax ka badala xaalada kala guurka ah ee uu ku jiro dalku.

Jabriil ayaa sidoo kale waxa uu hanaanka doorashada ka muujiyey wal-wal hor leh, isagoona carabka ku adkeeyay in gebi ahaanba laga fogaado isqab-qabsi iyo qalaalase laga cabsi qabo inay horseedo doorashada lagu muransan-yahay.

Musharaxan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo soo dhaweyntiisa ay ka qeyb qaateen siyaasiyiin, dhalinyaro, bulsharada rayidka ah iyo haweenka magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimayay waxaa shacabka Gobolka Banaadir ay safnaayeen aafafka hore ee waddada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Murashax Jabril oo saxaafadda kula hadlay Hotel Royal Palace ayaa sheegay in uu maalmaha soo socdo si rasmi ah ugu dhawaaqi doono in uu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo ballan qaaday inuu awoodda dowladnimo ku soo celin doono shacabka, haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweyne, uuna dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Jabril Cabdulle oo ka mid ah murashaxiinta dhalinyarada ah ee isku soo taagaya xilka sare ee Madaxweyne, ayaa aqoon durugsan u leh dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaagga, wuxuuna la soo shaqeeyay dhammaan dowladahii ku meel gaarka ahaa tan iyo sanadkii 2004.