Musharaxiinta mucaraadka oo ka jawaabay dilkii uu ku baaqay Filish, sheegayna cida qaadeysa mas’uuliyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii shalay ka soo yeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, kaasi oo ugu baaqay in la dilo mucaaradkii maalmihii u dambeeyay ku shirayay Muqdisho.

Golaha ay ku midooben mucaaradku ayaa qoraal kasoo baxay waxa lagu sheegay in hadalka Filish ay u arkaan mid colaad hurin ah, islamarkaana ay u arkaan mid uu kula socdo madaxweyne Farmaajo.

Waxay sheegen in uu Farmaajo qaadayo mas’uuliyada ka dhalata falka colaad hurinta ay xukuumadiisa ku howlan tahay, sida ay ku xuseen qoraal ay maanta si wadajir ah usoo saareen musharaxiintu.

“Goluhu wuxuu dhab u qaadanayaa in hanjabaadda Guddoomiyaha Gobolka ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo toosna ugu socota xubnaha Midowga Murashaxiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay ka waantoobaan colaad hurinta iyo ficillada abuuraya naceybka, taa bedelkeedana ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wadar-ogol ah.”

Sidoo kale waxa qoralka golaha mucaaridka lagu sheegay inay u caddaatay in hoggaanka dowladda uu adeegsanayo tabihii xagjirka ee Al-Shabaab, ee ay ku xalaaleysanayeen dhiiga shacabka iyagoo adeegsanaya fikir diin.

Filish ayaa shalay ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan musharaxiinta mucaaradka hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona ku baaqay in la dilo mucaaradka, wuxuuna dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo jira Suratul Axzab.

Hoos ka aqriso qoraalka ay soo saareen oo dhameystiran