Sii-hayaha xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka oo maanta Muqdisho yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa booqasho aan la shaacin maanta ku tegay magaalada Muqdisho, sida ay weriyeen warbaahinta Mareykanka.

Miller ayaa noqday xoghayihii ugu horreeyey ee gaashnaadhigga Mareykanka ee booqday Soomaaliya, waxaana booqashadan ay ahayd lugtii ugu dambeysay safar uu ku maray afar dal oo sidoo kale Jabuuti ay ka mid tahay.

Sida ay werisay CNN, Miller ayaa Muqdisho joogay kaliya dhowr saacadood, wuxuuna la kulmay qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Socdaalka Miller ayaa imanaya ayada oo madaxweyne Trump uu qorsheynayo inuu Soomaaliya kasoo saaro 700 oo askari oo Mareykan ah oo dalka ka jooga, kuwaasi oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena caawiya ciidamada Soomaaliya iyo Amisom.

Ma cadda haddii uu Miller Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Safarka ayaa sidoo kale imanaya ayada oo sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, dhowr maalmood kahor lagu dilay Soomaaliya, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen wargeyska New York Times.

Sarkaalka ayaa ka tirsan qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, wuxuuna horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.

CIA-da ayaa Soomaaliya ka fulisa howlgallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee duqeymaha la beegsada haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab.