Jabuuti oo dhiseysa dekad hal dhinac caqabad uga noqon doonta Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Jabuuti ayaa bilowday dhismaha Dekad cusub oo si gaara looga dhoofin doono Xoolaha nool ee loo safriyo dalalka Sacuudiga iyo dalal kale oo dhowr ah.

Dekadaani ayaa la sheegay inay noqon doonto Dekadda ugu weyn Gobolka, waxaana Xoolaha ugu badan ka dhoofin doona dalka Ethiopia oo aan laheyn Bad iyo Dekad toona.

Dekadaani oo aad u weyn ayaa waxaa la sheegay in lagu magacaabi doono “Damerjoog Livestock Port”.

Dekedan ayaa waxa sannadkii ka dhoofi doona sida uu qorshuhu yahay 10 milyan oo neef, waxaana halkii marba ku soo xiran doona 5 markab oo ah kuwa inta badan xoolaha qaada.

Dhismaha Dekadaani ayaa hoos u dhigi doona macaashka ay Somaliland ku qabtay Xoolaha Ethiopia ee laga dhoofiya Dekadaha maamulka Somaliland, waxa ayna Ethiopia u weecan doonta Dekadda cusub ee Jabuuti dhiseyso.

Si kastaba ha ahaatee, Qorshahan dawladda Jabouti ayaa ku soo beegmaya xilli ay dawladda Sucuudigu joojisay xoolaha nool ee loo dhoofin jiray Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com