Wadahalada waqooyiga Soomaaliya “Somaliland” iyo Koofurta Soomaaliya (Talo kooban)

Afeef: Qoraalkayga waa fikir iyo talo islamarkaana, dhexdhexaad ah dhinacna aan u xag-linayn.

Hordhac:

Sida aan badankeenu ka warqabno waxaa waayadaan danbe, socday wadahadalo qiimo leh, una dhaxeeya Waqooyiga Soomaaliya “Somaliland” Iyo KoofurtaSoomaliya, wadahaldaas oo ay hormuud ka tahay Dowladda Turkiga, ayaa kulankii ugu danbeeyay dhacay bishii April 2016, In kastoo ay u muuqatay in qodobadii ugu muhiimsanaa hal qodob kamid ah ay isaga soo dhawaadeen labada dhinac, qodobkaasna waxa uu ahaa in marka hore maamulada Ka jira koofurta Soomaaliya ay soo midoobaan, yimaadaan miiska wadahalada ayagoo mid ah kuna midaysaan hal maamul.

Asaaska wadahadaladuna wuxuu ku soo koobmay in la helo wada hadal u dhaxeeya labo maamul: Waqooyi iyo Koofur, markaas kadib laga wada hadlaa wixii wax qaybsi ah ama isku darsasho ah. Waxaa xusid mudan in wadahaladaan marka ay bilaabmeen 2012-kii- ilaa Iyo hadda ay ku socdaan hal wado, wadadaas oo ah in markasto miiska wadahalada yimaadaan Wasiiro kasocda labada dhinac, iyadoo wasiiradaas wataan qodobo ayanan dhaafi karin.

Waxaa kaloo jirta Hay’ad madax banaan oo qayb ka ah wadahadalada laguma magacaabo Canter for Foreign Policy and Peace Research of the Ihsan Dogramaci Peace foundation kana howl gasha dalkaTurkiga, oo la timid fikirka in si qoto dheer loo aruuriyo qodobada ugu waa wayn ee laysku mari la’ahay. Hay’ada waxa ay codsatay Aqoonyahano ka madax banaan wasiirada labada maamul oo laakiin fikir ahaan kala aamin san midnimo Iyo gooni isu taag in ay si kooban usoo bandhigaan aragtiyaado ku kala aadan arrimahaasi iyada oo laga codsaday in ay sabab u yeelaan aragtitooda ku kala aadan midnimada Somalia iyo gooni-isu-taaga. Waxaa kaloo dhinac socday kulumo gooni gooni ah marna si guud ay wadayeelenayeen Wasiirada, ayaa waxaa ay u muuqdeen in dhinac waliba jirto meel ama xad uu san dhaafi karin, sidaa darteed waxaa cad in aysan jirin dhinac u madax banaan in ay gaaraan go’aan cusub Intaas waxaa dheer in dhamaan wafdiyadda guud ahaan ay kala wateen qodobo aan marnaba isku dhinac u socon.

Aragtida aan qabo:

Sida uu hadda ka hor Sheikh Mustafa Ismail sheegay ‘’Midoobida Soomalida Waxaa ka horeeyay in Caloosha isu bugta la daweeyo’’ Muxadaradiisii ahayd ‘’Qalbiga Saafiga ah’’ https://www.youtube.com/watch?v=e6rMyjTLwUc&feature=youtu.be

Ayaan waxa aan anigana u arka in talada ama wadadada ugu wanaagsan ay wax ugu qabsoomi karaan wadahaladaaan in ay tahay:

  1. In marka hore la raadiyo wadooyin ka duwan wadadii hore. oo laysku keeno Guurti ama Nabadoono ka socda labada dhinac, lana furaa dibuhishiisiin dhab ah (Reconciliation).
  2. Xubnaha Guurtida ama Nabadoonada metelaya labada dhinac waa in ay ahaadaan kuwo lagu yaqaano wanaag isla markaana, khibaradna uleh Bulshada.
  3. Goobta laysugu keenayo waa in ay noqoto labada dhinac meel kamid ah.
  4. In labada dhinac ay ogolaadaan , in marka hore la dhagaysto dhinaca wax tabanayo.
  5. In Lagu fakaro habkii loo daaween lahaa Dhinaca wax tabanayo.
  6. In is Cafis Guud la helo.
  7. Markii la helo dibuhishiisiin caam ah, ayaa lafuri karaa mida siyaasadeed. Waxaa kaloo asaas u ah wadahalada in lagu soo daro bulshada qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan culumada Soomaliyeed.

Gabagabeyn: 

Umadda Soomaaliyeed waa dad aad u niyad fiican iskuna dhex-nool meel kasto ay degan tahay, aadna isu gancan qabata, isuna gurmada marka ay timaado dhibaato. laakiin ubaahan in la raadiyo wadada ugu haboon ee loo heshiisiin karo. Muhiimada ugu wayn ee wadahalada waa in la helo tanaasul maxaa yeelay, tanaasulka waa mida ugu qiimaha badan dib-u-heshiinta Isla markaana, marka ay timaado wadahadal waa in guud ahaan Soomalida, aan ku dhaqano sida Diinteyna Islaamka na fareyso iyo in aan racno Sunnadii Rasulkeena sidii Heshiiska Hudeybiya oo Nabigeena suubanaa(CSW), mar uu wadahadal lafuray Gaalada, qodobadii uu ka tanaasulay waxaa ka mid ahaa.in muslimiinta ay ka baaqdaan Xajka sanadkaas uu socdo wadahalada.

For any further questions, you contact me via email:
W/Q: Mohamed Isse Mudey
mcmuudeey@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com