Jadwalka doorashooyinka 2020/21 oo lasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa lagu go’aamiyey jadwalka doorashada dalka ka dhaceysa.

Jadwalka ayaa qeexaya in hanaanka doorashada si rasmi ah loo galo 10-ka bishan October, ayada oo illaa 20-ka bisha lasoo magacaabi doono labada guddi ee doorasho ee heer federal iyo heer gobol.

20-31-ka October ayaa loo asteeyey in la dhiso lana tababaro guddiyada doorashada.

Bisha November, 1 illaa 30 ayaa waxaa lagu soo geba-gebeyn doona soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada iyo goobaha cod-bixinta.

Doorashada ugu horreysa ayaa dhaceysa 1-da December 2020, waxayna socon doontaa illaa 10-ka, xilligaasi oo lasoo dooran doono Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa kadib xigi doona doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, oo dhaceysa inta u dhaxeysa 10-ka illaa 27-ka December 2020.

Ugu dmaben doorashada guddoonka labada Aqal ayaa dhaceysa 1-da Janaayo, halka doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 8-da Febraayo 2020.

Haddii jadwalka sidiisi u hir-galo, madaxweyne Farmaajo waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dowladda federaalka ee aan hal maalin ku darsan muddo xileedkiisa, inkasta oo muddo lagu eedeynayey damac muddo kororsi.

Hoos ka arag jadwalka