Dhismaha xarunta degmada Yaaqshiid oo saddex bilood u xiran lacag $317,000 ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa Caasimada Online u sheegay in muddo dhan Saddex bilood ay xiran tahay xarunta degmada, sababo la xiriira lacag lagu leeyahay.

Xarunta degmada oo dhismaheedu xarigga laga jaray Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo ku aadanaa bishii July ee sanadkaan ayaa la xiray isla bishaas, waxaana ilaa hadda xiran xarumaha degmada.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in dhamaan albaabada xarumaha degmada ay ku dheggan yihiin quful, islamarkaana dadka lagu qaabilo geedaha hoostooda iyo gaadiidka dhaxdiisa.

Lacagta lagu leeyahay degmada ayaa gaareysa saddex boqol iyo toddoba iyo toban kun oo dollar ($317,000), waxaana la sheegayaa in aysan ilaa hadda maamulka degmada bixin lacagtaas.

“Ilaa hadda laguma shaqeeyo xaruntii degmada sababtoo ah waxaa lagu leeyahay lacag kumanaan kun oo doolar ah, ma jirto qof isku dayay in ay bixiyaan ilaa hadda lacagtaas,” ayuu yiri xubin ka tirsan maamulka degmada oo la hadalay Caasimada Online.

Ma cadda sababta maamulka degmada ay xarunta ugu dhiseen lacag intaas la eg, haddii aysan awoodin inay iska bixiyaan. Maamulka gobolka Banaadir ayaan sidoo kale wax caawimaad ah ka geysaneyn sidi arrintan loo xalin lahaa.