Rajadii Trump oo wiiqantay – Maxay ka dhigan tahay in laga helay Coronavirus?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa maanta shaaca ka qaaday in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump laga helay cudurka Coronavirus.

Trump ayaa cudurka laga helay saacado kadib markii gabar ku dhow, oo kaaliye u ah Hope Hicks. la ogaaday inay cudurka qaaday, waxaana la rumeysan yahay inay ayada u gudbisay.

Warkan ayaa hoggaanka Mareykanka ku tuuraya xalaad hubanti la’aan ah, wuxuuna kasii darayaa xaaladda cudurka Coronavirus ee Mareykanka, oo illaa iyo hadda ay ugu dhinteen 207,000 oo qof.

Qaadista Trumop ee cudurka Coronavirus ayaa caqabad deg deg ah kusoo rogeysa ololihiisa doorashada ee ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, ayada oo kaliya hal bil ay ka hartay xilliga cod-bixinta madaxweynaha.

Xitaa haddii Trump, oo 74 jir ah, aan laga helin astaamaha cudurka, waxa uu lumin doonaa waqti badan oo uu ugu baahnaan lahaa ololihiisa, maadaama la karantiilayo laba toddobaad. Haddii astaamaha lagu arko, oo uu xanuunsadana, waxay su’aalo gelin doontaa badqabkiisa uu dalka ku hoggaamin karo.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah, in haddii xitaa Trump uusan la dhicin cudurka, tani waxay u keeni doontaa guul-darro siyaasadeed oo weyn, sababtoo ah muddo bilooyin ah ayuu hoos u dhigayey halista cudurkan oo maalin kasta gudaha Mareykanka ku dilaya in ka badan kun qof.

Waxa uu muddo saadaalinayey inuu cudurka “iskiis isaga tagi doono,” kuna adkeysanayey inay xakameeyeen.

Trump waxa uu sidoo kale muddo bilooyin ah diidanaa inuu xirto maaskaro, isaga oo habeenkii Talaadada ee uu doodda la yeeshay Joe Biden, si aad ah ugu jees jeesay inuu xirnaa maaskaro.

Waxaan sidoo kale caddeyn, in habeenkii doodda uu Trump qabay cudurka iyo in kale, inkasta oo isaga iyo Biden ay kala fogaayeen.

In cudurka laga helay Trump waxay sidoo kale meesha ka saareysa inuu mowduuca ololaha doorashada ka beddelo ka hadalka cudurka, oo dadka Mareykanka ay badankiis rumeysan yihiin inuu si aan wanaagsaneyn ula macaamilay.

Trump ayaa doonayey inuu dareenka cod-bixiyayaasha u jeediyo dhanka ansixinta garsooaraha 9-aad ee uu dhowaan u magacaabay maxkamadda sare ee Mareykanka, taasi oo u baahan in Aqalka Senate-ka uu meel-mariyo.

Trump ayaa ka mid ah dadka loo arko inay halis u yihiin in cudurka ay u dhintaan maadaama uu yahay 74 jir, ayada oo 80% dadka cudurka u dhintay ee Mareykanka ay ka weyn yihiin 65 jir. Trump ayaa sidoo kale qaba kolestarool sare, waxaana culeeskiisa lagu qiyaasaa 110 kg.