Saciid Deni oo safar ku deg deg ah ugu baxay NAIROBI kadib heshiiskii Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dowlada dhexe iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ku gaareen heshiis ku aadan doorashooyinka kusoo foolka leh dalka, wuxuuna shaaciyay iney guul kusoo dhamaadeen wax walba oo loo yimid caasimadda.

Sidoo kale isbadalka yar ee ku yimid doorashadaan oo waxyar ka duwan middii la qabtay 2016 ayuu ku sheegay iney yahiin duruufo laga fursan waayay.

Waxaa la qeexay hab walba oo ay noqon laheyd doorashada soo aadan, qaabka loo soo dooran doono xildhibaanada labada aqal, guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynahaba, waxa dheeriga ah waa in 101 ergo ay dooranayaan xildhibaanada iyo labada goobood ee la dhigayo kuraasta.

15-k Octoober ayey bilaaban doonaan doorashooyinka iyadoo aqalka sare laga bilaabi doono, waxaana lasoo afjari doonaa horaanta February 2021 markaas oo madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona dalka la dooran doono.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin sababta dhabta ah uu u aadayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadooba ay jirto waxyaabo mad-madow ah oo u dhaxeeya labada dal, waxeyna Kenya sugeysaa isbadalka ka dhaca dalka.