Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay sharciyada xukuumada Muuse Biixi ay ku tumatay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay sida Xukuumada Muuse Biixi u adeegsato Sharciga Somaliland u dagsan.

Jamaal ayaa waxa uu sheegay in la xiro wiilka dhalinyarta ah ee aqoonta leh ee u shaqo taga Muqdisho, halka midka Mas’uulka ah ee isagu la shira madaxda Soomaaliya la yiraahdo howl buu waday.

Siyaasi Jamaal, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Baarlamaanka Somaliland uu ansixiyey sharci mamnuucaya inay si qarsoodi ah ula kulmaan Madaxda Somaliland kuwa Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in la baal-maray.

Jamaal ayaa waxa uu arrimahaas kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa sidan:

“Ciridkaan arkaayo ilko kama soo muuqdaan.

Wiilka yar ee Xamar u shaqo tagana waa la xidhaa, siyaasiyiinta kolka lagu qabto shir ay madaxda Soomaaliya la galaana waxa la yidhaa waa Hawl bay wadeen.

Waar bal shacabkan la duleeyey ee wax walba loogu sheekaynayo ee aan waxba layskaga tirineynin eega.

Sharcigii Baarlamaanku ansixiyey sowtii ku taalay “waa ka mamnuuc siyaasiyiinta Somaliland iyo kuwa Soomaaliya in ay hoos u wada shiraan kolka laga reebo wadahadaladda ay labadda dawladood wada galayaan mooyaane”.

Horta Wasiirkii arrimaha dibaddu xagee buu qabtay Oo aanu isagu waftigan Kiiniya tegay u hogaamineynin? Arrinkani waa fadeexad hor leh Oo kalsoonidii shacabka hoos u dhigaysa. Waxeeniiba wax aan sidaa u sii ridneynin ayeey noqotay; hadduu inuun u sharci jiro waa fadeexad qaran arrinkani, dadkana sharaxaad iyo jawaabo waafiya, raaligelin, iyo talaabooyin hor leh ayeey ka sugayeen.

Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey
Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya
Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye

Dal leh siyaasad yaroo caadifadaysan iyo hebel waa Libaax waa mid subaanaleh. Sharcigani Ma la jiifiyaana banaan baa? Yaab?”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com