Jawaari oo CC ku celiyay guddigii uu soo dhisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumada Soomaaliya kusoo celiyay gudiga adeega garsoonka si ay usoo dhameystirto dhismaha gudigaasi, sida xildhibaanada ku dhawaaqeen.

Kulan maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray 142 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan.

Xildhibaanada maanta kulanka yeeshay ayaa gabi ahaanba diiday iney dood ka yeeshaan waxyaabaha la xiriira gudiga adeega garsoorka, iyaga oo u sababeeyay sharciga oo qabyo ah loona baahan yahay in xukuumada Cumar C.rashiid ay soo dhameystirto gudiga.

Sidoo kale waxay xildhibaanada ku dacwoonayeen in xubnaha gudiga adeega garsoorka laga doonayay iney noqdaan sagaal xubnood balse xildhibaanada maanta la horkeenay kaliya shan xubnood.

Afhayeenka Baarlamaanka, ayaa ku dhawaaqay in ajandaha laga saaray sharciga Guddiga Adeega Garsoorka, dibna ay ugu celinayaan Xukuumadda, si ay u soo dhameystirto xubnaha maqan.

Jawaari, ayaa wuxuu Xukuumadda ugu baaqay inay soo dhameystirto afarta xubnood ee ka dhiman Guddiga Adeega Garsoorka, si ay kalsoonida uga hesho Baarlamaanka.

Casimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com