Arrag Sawir Caddeyn ah: Xassan Sheekh oo dhex jiifa dhaqaale uu musuqay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waa mid kamid ah Sawirada dareenka ku galinaaya kuuna tusaaleynaaya heerka uu gaarsiisan yahay Musuqa ay madaxda Qaranka ku hayaan Hantida Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sawirkaani waxaa laga sameeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hantiyey Hantida Qaranka misna dhex jiifa dhaqaale uu ka tabcaday dalka kaasi oo ay ka baahan yihiin amaba ka gaajeesan yihiin Shacabkii uu u dhaartay.

Xassan Sheekh oo dhex jiifa lacagta Shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa barbar taagan 3 Carruur oo sheeganaaya in walidiintii dhalay ay ku waayen Qaraxii ugu danbeeyay ee dalka ka dhacay.

Su’aashu waxa ay tahay Xassan Sheekh ma wuxuu u dhaartay in dalka uu dhaqaalaha kala baxo misna uu cadaalad ku maamulo??
jano_aduun copy