Jawaari oo fariin DF ceeb ku ah u gudbiyey caalamka iyo hammi cusub oo galay

Nairobi (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ka wado olole siyaasadeed oo laga leeyahay dano waaweyn.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo xilkaas iska casilay Bishii April ee sanadkaan markii uu cadaadis weyn kala kulmay madaxda ugu sareeyo dalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Baarlamaanka Soomaaliya u diray Beesha Caalamka ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka u gudbiyey in Baarlamaanka Soomaaliya uu noqday mid fadhiid ah oo aan shaqada qaban tan iyo markii uu isaga ka baxay meeshaas oo uu hoggaamiye ka ahaa ilaa 5 sano oo xiriir ah.

Jawaari ayaa arrintaas uga gol lahaa sidii uu Beesha Caalamka uga heli lahaa garab maadaama uu doonayo inuu midkooda u tartamo Madaxweynaha Soomaaliya ama Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo dhawaan la filayo inay dhacdo doorasho xasaasi ah.

Jawaari ayaa la kulmay xubno isugu jira Xilldhibaano ka tirsan BFS iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, kuwaasoo uu kala hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo doorashadda Koonfur Galbeed iyo mida guud ahaan dalka ee 2020.

illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimadda Online u sheegay in Jawaari uu doonayo inuu sameysto Isbaheysi isaga gaar u ah, kaasoo uu doonayo inuu ugu tartamo doorashadda la filayo inay ka qabsoonto dalka sanadka 2020.

Doorashadda Soomaaliya ee 2020, taasoo la filayo inay noqoto qof iyo cod ayaa waxaa haatan la dareemayaa in dowladda iyo mucaaradka ay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay ku doonayaan inay iskugu diyaarinayaa codbixintaas taariikhiga ah.

Jawaari ayaa saldhigtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya tan iyo markii uu iska casilay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya kadib markii ay ka hor imaadeen Xildhibaano badan oo ballanqaadyo ka heystay dowladda dhexe ayaa ilaa waqtigaas wado kulamo kala duwan oo uu halkaas kula yeelanayo siyaasiyiin, Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com