24.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Jawaari oo shaaciyey arrin la xiriira doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha BFS ahna ku-simaha madaxweynaha dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hadalay qorshaha Madaxtooyada Somalia ee ku aadan xiliga Doorashada dalka.

Jawaari waxa uu sheegay in Madaxtooyada Somalia ay ka go’an tahay in Doorashada dhaceysa dabayaaqada 2016-ka ay wakhtigeeda dhici doonto, waxa uuna hoosta ka xariiqay inaanu dhici doonin dib u dhac ku imaada wakhtiga doorashada.

Jawaari waxa uu sheegay in doorashada dalka ay dhici doonto marka la gaaro bisha September 2016 oo uu sheegay inay tahay xiliga lagu balansan yahay in doorashadu ay dhacdo.

Jawaari waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan cabsi dadka qaar ay ka qabaan in doorashada ay dib u dhacdo, balse waxa uu cod dheer ku sheegay in la ilaalin doono wakhtiga doorashada, sida ka go’an Madaxtooyada Somalia ayuu yiri.

Siyaasiyiin iyo Musharaxiin badan ayuu sheegay inay walaac ka muujinayaan in doorashada ay ku imaado dib u dhac.

Sidoo kale, Jawaari ayaa sheegay in waqtiga uharay dowladda Somalia ay tahay mid aad u yar, waxaana uu tilmaamay in waqti kordhin aan loo sameyn doonin dowladda hada jirta.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha BFS ayaa sheegay in Dowlada qudheeda ay aad u daneyneyso inay dhacdo doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News