Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray digniin ay sheegeen iney u dirayaan dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaarada dastuurka ee xukuumada Soomaaliya.
Afhayeenka maamulka Puntland Mr Quraan-jecel oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay iney ka warheleen in dowlada Soomaaliya Muqdisho ka bilowday dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka.
Wasaarada dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay iney bilowday ka talaabsiga qodobadii horey loogu hishiiyay ee ahaa in shirka dib u eegista dastuurka lagu qabtaa magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.
Mr, Quraanjecel ayaa sheegay in ay Puntland doonayso in meelmar laga dhigo heshiiskii 12-ka April lagu soo gaaray Muqdisho, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in Guddiga Dibu eegista Dastuurka ay tagaan Garoowe, isla markaana laysla meel dhigo arrimaha u dhaxeeya labada dhinac.
Wuxuu ka digay haddii shirkaasi laga sii bilaabaa magaalada Muqdisho in dib u dhac kale uu keeni karo maadaama uu jibinayo hishiiskii April lagu gaaray magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

