25.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Xasan oo ku dhowaaqay in Amisom ay Somalia..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay waqtiga sii dheeraanaya ee ciidamada AMISOM ku sugan yihin Dalka Soomaaliya iyo waqtiga ay muhiim tahay iney ka baxaan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM dalka ay ku sugan yihiin muddo sagaal sanadood ah,isaga oo amaanay ciidamada AMISOM muddada ay dalka ku sugan yihiin.

Wuxuu sheegay in xiligii hore dalka uu ka baxay Ku meel gaar oo la helay dowlad dhameystiran, sidaasi daraadeedna hadda aysan suuro gal aheyn iney kusii sugnaadaan dalka Soomaaliya.

Xiliga hadda la joogo oo la isku diyaarinayo doorashooyin dhaca ayuu sheegay iney dalka kusii sugnaan doonaan, kadibna la diyaarin doono ciidamo Soomaaliyeed oo iyaga badalaya.

“AMISOM waxay dalka yimaadeen sanadki 2007, sanadka danbe waxaa u buuxsameysa sanadkoodii 10-aad. Mudada ay joogeen waxaa dalka ka qabsoomay wax badan sida federaalka oo la dhaqangeliyey, dastuurka dalka oo la qoray iyo doorashadi wadanka ka dhacday iyo tan sanadkaan dhici doonta oo ay amaanka door ka ciyaari doonaan. Suurtagal ma ahan marka in 10-sano oo kale ay nala sii joogaan maxaa yeelay waxaan rabnaa in ay noo badalaan ciidamadeena qaranka.’’ Ayuu yiri.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News