25.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: Wakhtiga ay dhacayaan Xasan Sheekh iyo baarlamanka oo si rasmi ah loo shaaciyey (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la sheegay in dalka uu ka dhici doono doorasho taariikh ah, ayaa waxaa hadda la shaaciyay wakhtiga ay isla dhici doonaan Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada BF ee hadda shaqeeya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha BFS ayaa mar kale ku celshay in Xassan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaanka Federaalka ay isku diyaarinayaan Doorasho cusub.

Jawaari waxa uu qiray in xildhibaanada hada shaqeeya waqtigooda uu ku egyahay bisha September ee sanadkan taasi bedelkeeda ayuu sheegay in loo baahan yahay in la helo xildhibaano cusub oo waxqabad ka duwan kuwa hadda xilka haya la imaankara.

Sidoo kale, waxa uu shaaciyay in madaxweynaha Dalka Xassan Sheekh Maxamuud waqitigiisa uu ku egyahay bisha soo socota ee September, sida uu sheegay Jawaari.

Waqti kooban ayuu sheegay in Xassan Sheekh iyo Xildhibaanada BFS ay u harsan tahay, sidaa aawgeedna loo baahan yahay inay galaan diyaar garow.

Dhanka kale, waxa uu ballanqaaday inaan dhici doonin wakhti kororsi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News