Jawaari oo ka hadlay khilaafka Xasan iyo C/Weli iyo sida ay ku kala baxayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu goor dhow ka hadlay Khilaafka soo shaacbaxay ee ka dhex aloolsan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia iyo Ra’isulwasaare C/weli sheekh axmed.

Waxa uu Jawaari sheegay in Bani’aadamka uusan ka dhamaan Khilaaf sidaa darteedna uu Labada Mas’uul ka rajeynaayo inay xal ka gaaraan Khilaafkooda banaanka usoo baxay, islamarkaana hab sharci ah lagu kala bixiyo.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu hadalkaani sheegay xili uu u amba baxaay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxa uuna yiri “Waxaan beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay is dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan Hay’adaha dastuuriga iyaga ayaa Siyaasada kulmiya iyaga ayaana laga sugayaa inay xal ka gaaraan Khilaafka labada Mas’uul ka dhextaagan”

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray  “dowladdu waxa ay awood u leedahay in arrimaheeda gaarka ah ay ku xaliso gudaha dalka, balse waxan qadarineynaa nidaamka dowliga ah insha allah khilaafkuna wuu xalismi doonaa iyada oo aan lala aadin dowladaha saaxiibada la ah Somalia” ayuu yiri Jawaari.

Dhanka kale, waxa uu shacabka soomaaliyeed ugu baaqay inay isdajiyaan oo ay ku kalsoonaadan Madaxda dalka, si ay u sahlanaato wada-shaqeynta.

Jawaari oo safar shaqo ku gaaray Baay, ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berrito ah uu soo gabo gabeeyo shirka looga hadlayo maamul u sameynta gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo muddo soo socday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com