Shacabka Muqdisho yey la safan yihiin madaxweyne Xasan iyo CABDI WELI?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socoda guux aad u xoogaan kasoo looga hadlayay arrintii uu shalay ku dhaqaaqay Raíisul wasaare Cabdi Wali, taasoo ahayd isku shaandheyn uu kala tashan madaxweynaha oo uu ku sameeyay qaar ka mida wasiiradiisa.

Waxa ay sheegeen in Cabdi Weli uu marar badan xadgudub ku sameeyey madaxweynaha, balse madaxweynaha uu dulqaad muujiyey, isaga oo danta qaranka eegaya.

Shacabaka oo aan maantay ugu tagnay goobaha ay isugu yimadaan oo ay ku falanqeeyaan siyaasada Dalka ayaa waxay intooda badan ka xumaadeen tillaabada uu ku dhaqaaqaay C/wali, waxeyna arrirnkaas ku micneeyen mid loola jeeday Wasiirka Garsoorka Faraax C/qaadir oo ah nin howl kar islamarkaana aad uga shaqeeyay sidii uu garsoorka Soomaaliya u hagaagi lahaa.

Shacabkq Mugadisho ayaa qaba in Faraax uusan aheyn ruux ka soo jeeda Beelaha Hubeysan, balse uu yahay nin karti badan oo wadanka wax ka qabtay, xitaa markii uusan siyaasada Soomaaliya ku jirin, waana shaqsi waxbrashada Soomaaliya qeyb weyn ka qaatay.

Dadka qaar waxay ku baaqeen in C/Wali laga xayuubiyo xilka, maadaama uu ka soo horjeedo Shqasiyaadka umadda wax u qabanaya.

Inta badan Golaha wasiirada ayaa ka soo horjeestay R/wasaare C/wali, waxana kaliya raacsan Sedex wasiir oo aan laheyn Aqoon aasaasi ah, waxeyna kala yihiin Mustaf dhuxulow Hogaamiye Kooxeedka Aadan Saransoor iyo Khaliif Erag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com