Sidee ayuu Jawaari u arkaa doorashadii maanta ka dhacday magaalada Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay doorashada baarlamaanka maamulka Somaliland ee maanta ka dhacday magaalada Hargeysa.

Jawaari waxa uu sheegay in doorashada uu kusoo baxay Baashi Max’ed Xaashi oo maanta ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Aqalka Wakiilada Soomaaliland ay tahay mid ku dhacday nidaam.

Waxa uu Jawaari sheegay in maamulka Somaliland uu ku amaanayo sida sharciga leh oo ay ku shaqeeyan, waxa uuna cadeeyay in baarlamaanka Somalia uu mar waliba yahay mid isgarabtaagaya baarlamaanka maamulka Somaliland.

Jawaari oo doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ka dib la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay dhaqan galisay dimuquraadiyad iyo shrciyo lama dhaafan ah.

Doorashada uu kusoo baxay Baashi Max’ed Xaashi, ayaa ka dambeysay kadib markii asbuucii tagay uu xilkaasi iska casilay Guddoomiyihii hore C/raxmaan Max’ed C/llahi ”Cirro”.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Somaliland oo kamid ah maamulada ka jira dalka ayaa sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale, walow adduunku yahay mid aan arrintaasi dhag jalaq usiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com