29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Jawaari oo hadal aan laga fileyn ku yiri xukuumadda Somalia ee R/W Saacid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shalay dib ugu celiyay wasaaradda kheyraadka hindise ku saabsan dib u dhiska bangiga horumarinta Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in hindisahaas aaney laga qaybgalin maamulada ka dhisan dalka sida maamulka Puntland.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku amray wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya inaysan u soo gudbin baarlamaanka sharci aysan wada tashi kala soo samaynin maamulada ka dhisan dalka.

Ugu dambeyn,guddoomiyuhu wuxuu ku booriyay wasaaradaha xukuumadda inay xildhibaannada baarlamaanka u soo gudbiyaan wax yaabo waa faqsan shuruucda dalka, si sannadka 2016-ka dalka ay u dhacaan doorasho madax banaan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha golaha baarlamaanka ayaa ku celceliyay in xaalad xasaasi la marayo, wuxuuna xildhibaannada ka codsaday inay soo buux dhaafiyaan kulamada la lee yahay.

“Caalamka oo dhan wuxuu eegayaa baarlamaanka, xaakimiin baa tihiin, maalmahan shaqooyin adag ayaa noo yaalla xildhibaanka ka maqnaada fadhiyada waxaan u qaadanayaa in uu yahay xildhibaan ka dhuumanaya shaqadiisa” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka uu dib u celiyo hindise ay soo bandhigtay wasaarad ka tirsan xukuumadda, taasoo la xiriirta in aan lagala tashan maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News