26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Dagaal siyaasadeedka madaxda dalka & doorka marwada Ra’isul wasaaraha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

R.wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud 06-dii October 2012 ayaa waqtigii dastuurku u ogolaa waxa uu ku keenay gola wasiirro oo 10 xubnood ah kuwaas oo Soomaalidu ku qanci weysay hormuudna u noqday in beelaha Soomaaliyeed ay durbadiiba luqunta isu galaan oo hanaankii dowladnimo hamigii loo qabay uu socon waayo.

Sedax bilood gudohood laga soo bilaabo xilligii uu xukuumadii soo dhisay, waxaa soo baxay R.wasaare Saacid in uusan shaqeyn Karin arintaas oo ay ugu mug weyntahay siyaasada dalka oo uu ku jaha wareeray dhanka ay ku wajahantahay, arintaas oo xildhibaanna Soomaaliyeed oo u dhaartay horumarinta dalkooda iyo ka hor tegidda hagardaamada dalka lala damacsanyahay waxa ay mowshin ka diyaariyeen Xukuumadiisa si loo helo xukuumad Soomaaliyeed oo shaqeyn karta dalka, dadka iyo Diintana sharaftooda kor u qaada.

Xildhibaanada diyaariyay mowshinkaasi oo gaarayay 93 xildhibaan ayaa waxaa si hal-haleel ah oo masuuliyadi ku dheehantahay codsi ugu soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo xilligaasi meela badan wax ka eegayay oo ay kamid ahaayeen shirar is-daba joog ah oo heer caalami ah oo madaxda dalku ka qeyb galeysay kuwaas oo ay kamid ahaayeen shirarkii, London, Japan iyo kii Bruselles ee New deal xilligaasina uusan aheyn waqti ku haboon in buuq siyaasadeed iyo xukuumad cusub dhisitaankeed la guda galo.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo isaguba dareensanaa in R.wasaare Saacid uusan kasoo bixin xilka loo dhiibay ayaa mudanayaashii doonayay in ay dalka kahor wareejiyaan waxa uu isaga aadiyay markaasi isaga oo ku war geliyay in ay Mowshinkooda la laabtaan oo markaan isaga ay ku sharfaan.

R.wasaare Saacid markii uu ogaaday in aan madaxweynuhu ku qanacsaneyn waxa uu bilaabay in uu warbaahinta ka sheego in uu xukuumad soo dhisi doono xukuumad tira badan si uu umada Soomaaliyeed uga gado fikir ah in madaxweynaha iyo isagu ay wax isla ogyihiin isaga oo su’aal laga weydiiyay shaqadiisa iyo in uu is-casilayo uga jawaabay in uu 2016-ka gaarayo xilligaas oo ah marka uu ku egyahay waqtiga 4-sano ah ee madaxweynaha loo doortay in uu talada dalka hayo.

Iyada oo ay u banaaneed madaxweynaha dalka in uu khiyaano R.wasaare Saacid oo uu ka ogolaado xukuumada uu sheegay in uu soo dhiso kadibna uu baarlamaanku codka kalsoonida ah u diido, ayaa madaxweynaha oo ku kalsoon in R.wasaaruhu uu ogolaan doono dadaal waliba oo dalka lagu hor-marinaayo, waxa uu ka leexday wadaasi isaga oo si furcada ah ugu sheegay in uu iscasilo R.wasaaraha si loo keeno kuriga uu baneeyo nin shaqada adag ee dalka hortaalla ka bixi kara isaga oo waliba sharfan oo taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka geli lahaa, shaqsiyaadka lagu xasuusto wanaagana kamid noqon lahaa.

R.wasaare Saacid uma cuntamin dalabka madaxweynaha ee ahaa in wax la dhiso, ee durbadiiba waxa uu bilaabay in uu dagaalo oo uu diido in uu istaqaalada geeyo, isaga oo madaxweynaha ku eedeeyay dalabka uu usoo jeediyay halkii ay ku habooneed in uu uga mahad celiyo sida uu u sharfay ee aheyd in uusan madaxweynuhu waqti dheerna lumin sumcada R.wasaarahana uusan wax u dhimin.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo aad u xasuusan in R.wasaare iyo madaxweyna isku dhacay taariikhda uusan R.wasaare guuleysan marnaba, ayaa waxaa u tegay qabiilada Soomaalida oo dhan iyaga oo u sheegay in uu isaga tago xilka maadaama kursiguba uu wareeg yahay, masuuliyiin bandanna ay horay uga tageen kuwa kalana ka tegi doonaan arintaas oo u cuntami weysay uuna ka door biday in uu soo taabto salka xeerada wixii u soo baxana uu halkaasi ka qaato.

Markii uu khilaafku uu sara u kacay ayaa xildhibaanadii markii hore madaxweynuhu uu isku hor gudbay mowshinkooda waxa ay dib ula soo laba kacleeyeen mowshinkii iyaga oo waliba ay ku biireen xildhibaanna kale kuwaas oo tirada ka dhigay 168 xildhibaan oo ka badan xildhibaanadii dastuurku ogolaa in ay R.wasaaraha ridi karaan maadaama tirada guud ee baarlamaanka ay ka badanyihiin 50% +1

Tirada guud ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay tahay 275, waxaana halkaas ka cadaanaya in xildhibaanada xukuumada ridi kara ay yihiin 139, oo in badan ka yar tirada moshinka keentay oo 167 xildhibaan oo kamid ah dalka ay joogaan marka laga reebo 1 xidhibaan oo isna ku sugan dalka Kenya sida aan ka helnay siyaasiyiin arinta sheeda kala socday arintaas oo muujineysa in ay ka go’antahay in R.wasaare Saacid uu meesha ka boxo.

Mowshinka xildhibaandu ay ka geeyeen Xukuumada R.wasaare Saacid ayaa waxaa gudoonka baarlamaanku ka dhawaajiyeen in uu maalinta sabiga ah laga doodi doono si xukuumada codka kalsoonid u hesho ama ay u weyso.

Hadaba maxey isku haleynayaan R.wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo Xaaskiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi?

Sida ay sheegeen xildhibaanno la kulmay Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo aad ugu ololeyneysa in xukuumada uu hogaamiyo Segeeda ay sii joogto ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro qorshe xildhibaanada ay uga dooneyso in aysan gacanta u taagin codka lagu diidayo in xukuumadu sii shaqeyso.

Qorshahaas oo ah sedax qeybood oo kala lacag badan waxaa la socda dhaar kutub qur’aan leesku dhaarinayo iyada oo waliba lacagta horay loogu kaashayo xildhibaankii aqbala ololaha Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi.

Qeybta 1-aad ayaa waxa ay tahay in xildhibaankii u codeeya in Xukuumada
Cabdi Faarax Shirdoon ay sii shaqeyso la siinayo $5000 (Shan Kun oo
Doolar).

Qeybta 2-baad ayaa iyana waxa ay tahay $3000 (sedax Kun oo Doolar) oo la siinayo xildhibaankii madasha soo xaadira ee ka aamusa oo in xukuumadu dhacdo ama shaqeyso aan u codeyn Qeybta ugu danbeysa ayaa waxa ay iyana tahay in xildhibaankii dalka ka safraya oo aan maalintaasi dalka joogeyn la siinaayo $2000 (laba Kun oo Doolar) iyo ticket-ka dalka uu u baxaayo.

Dhamaan xildhibaanada sedxadaas option midkood uu u cuntamo ayaa waxaa iyana hor-yaalla kutubka Qur’aanka oo lagu dhaarinaayo si aysan balanta uga bixin arintaas oo keeni karta in xildhibaanna badan aysan ku dhiiran qaadashada qandaraaskaasi.

Hadaba la arki doonee sida xaalku dhu madaado maalinta Sabdiga ah ee ay naga xigaan sedax maalmood oo kali ah!!!

W/Q Saadaq Yuusuf Maxamed
E-mail: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahn tan Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News