Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno Warar lagu kalsoon yahay waxaa Magaalada Muqdisho ka bilowday in lakala fur furo Xildhibaanadii tirada badnaa ee dhawaan saxiixay Mooshinka laga gudbiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid)
Xogta aan heleyno ayaa tibaaxeysa in markaan olole xoogan bilaabeen Xubno katirsan Baarlamaanka oo u ololeenaya dhinaca R/Wasaaraha kuwaa oo Xildhibaanada kusoo jiidanaya lacago badan oo la siinayo Xildhibaanaa taageera Siyaasada Saacid.
Xildhibaanadii horey u saxiixay Moohinka lagu ridayo R/Wasaare saacid oon qaarkood wax lacag ah ka qaadan Dhinaca Madaxweynaha ayaa hada bilaabay in dhinaca kale ku biiraan kana qaataan lacagaha lagu kasbanayo codkooda.
In lakala fur furo Xildhibaanadii Saxiixay Mooshinka lagu ridayo R/Wasaare Saacid ayaa timid kadib markii Xildhibaanada qaarkood iyaga oon lacag la siin laga saxiixay Mooshinka kuwaa oo hada laga dhaadhiciyay in Xubanaha Baarlamaanka ee madaxweynaha u ololeenaya ay madaxyadooda lacag ku cuneyn iyagana aan wax loo heyn taa oo kalifta in ay markaan dhinaca kale usoo wareegaan lacagna ka qaataan.
Marwada R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno kale oo caan ah oo katirsan Baarlamaanka ayaa hada wada kala fur furka Xildhibanaadii saxiixay Mooshinka , waxaana Shalay lagu arkayay Xildhibaanada taageersan R/Wasaaraha oo olole xoogan ka wada gudaha Xarunta Golaha Shacabka.
Dib u dhaca ku yimid Mooshinkii la doonayay in lagu Rido R/Wasaaraha ayaa u noqotay Saacid Sheyrdoon fursad uu ku raadiyo in uu is bad baadiyo iyadoona arintan ay niyad jab galisay dhinaca Madaxweynaha oo hada la bilaabay in lakala fur furo Xildhibaanadii taageersanaa horeyna u saxiixay Mooshinka lagu ridayo R/Wasaaraha.
Xildhibaanadii horey u saxiixay Mooshinka iminkana kalaabtay ayaa markii hore aan la siin wax lacag sidaa u buuran marka laga reebo balan qaad waxa ayna hada ku andacoonayaan in ay ku qaldameen Saxiixa Mooshinka iminkana ay dhinaca kale la jirsanayaan hadii ay dhaqaaloka helayaan.
Isha: Kismaayo24

