Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si adag uga hadlay howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda oo shalay ka dhacay aagga deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamadii fuliyay howlgalkaas oo ka tirsan Guutada 7-aad ee Xoogga dalka ay dileen carruur iyo dad kale oo shacab ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa shalay meesha ku dhintay canug yar oo saddex jir ah ku kale oo aan 10 sano gaarina waxaa la ii sheegay in isla shalay lasoo gaarsiiyay isbitaalka Digfer waa lagu soo booqan karaa” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dad kale oo shacab ah ay laayeen ciidanka, sidoo kalena ay xireen kuwa kale oo ay ku jiraan maleeshiyaad deegaanka ah.
“Isla rogaal celin kale oo lagu weeraray meeshaasna waxaa ku dhaawacmay, kuna dhintay afar qof oo dadka dukaameysiga u yimid ah iyo hal nin oo kamid ahaa ciidankii Yaaqbariweyne wax ka xoreeyay oo magaciisa la’iigu sheegay Muuse Geesey” ayuu sii raaciyay.
Daahir Amiin Jeesow oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay ciidamada fuliyay howlgalkaasi inay u abaabulnaayeen hab qabiil, ayna u socdeen ‘aargoosi’, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
“Guutada 7-aad ciidan qabiil ayay noqotay, waana lagu aar gudanayaa, waan ka xumahay runtii inaan sidaas iraahdo ciidankii dowladda ee aan difaaci jiray,” ayuu mar kale yiri.
Goor sii horeysay taliyaha guutada 7-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Axmed Gaashaan oo ka warbixiyay howlgalka ay sameeyeen iyo dagaal kooban oo xigay ayaa sheegay in iska hor imaad ay la galeen maleeshiyaad uu heegay inay isbaaro u tiilay halkaasi, ayna ka adkaadeen. Axmed Gaashaan ayaa xusay in goobta ay ku dileen 3 kamid ahaa maleeshiyaadkii ku sugnaa isbaarada, sidoo kalena ay qabteen 4 kale oo laba ay dhaawac yihiin, kuwaas oo hubeysnaa.
“Dagaal yar oo kooban ayaa dhacay, waxaana ku naf-waayay saddex kamid ah kuwii ay isbaarada u taallay, waxaa kale oo soo qabanay laba dhaawac ah iyo laba fiyow oo aan gacanta ku hayno hubkoodiina waan haynaa” ayuu yiri taliye Axmed Gaashaan.
Wanlaweyn iyo Yaaqbariweyne ayaa waxaa muddo dheer ka jiray dagaal beeleedyo, iyada oo dilal arxan darro ah ay isku gaysteen maleeshiyaadka labada dhinac ee ku wada sugan halkaasi, taas oo keentay in dowladda federaalka ay ciidamo u dirto deegaannadaasi.

