26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Itoobiya oo ku faantay inay soo ceshatay kalsoonidii Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa ku faantay inay dib u soo ceshatay kalsoonidii Soomaaliya, kadib markii labada dal ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyay, ayna qaadeen tallaabooyin lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed.

Labada dal ayaa waxaa u furmay bog cusub, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Machadka Daraasaadka Arrimaha Dibadda Itoobiya (IFA).

Warbixintu waxay tilmaamtay in is-aaminaaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya ay dib u soo laabaneyso, kadib maalmo madow oo uu galay xiriirka labada dhinac.

Machadku wuxuu xusay in xiisadihii siyaasadeed ee sanadihii dambe, gaar ahaan kadib MoU-gii dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, ay mar kale abuureen kala-fogaansho, balse wada-hadalladii Ankara ee 2024 ay dib u abuureen jawi is-afgarad.

IFA ayaa sidoo kale ku tilmaantay ka-qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee furitaanka mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) September 2025 inuu muujiyay isbeddel muuqda oo ku dhacay jihada siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Hadalladii madaxweynaha ee taageerada u muujiyay GERD iyo aragtida Itoobiya ee marin-badeedka ayaa lagu qeexay “dib u hagaajin istaraatiijiyeed oo ku saleysan dan goboleed oo wadaag ah”.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Soomaaliya ay hadda isu muujisay dal diyaar u ah iskaashi goboleed, iyadoo leh xeebta ugu dheer Geeska Afrika iyo muhiimadda ay u leedahay marinnada caalamiga ah sida Suez Canal iyo Bab-el-Mandab.

IFA waxay sheegtay in mowqifka cusub ee Soomaaliya uu kor u qaadi karo: ammaanka gobolka, maal-gashiga iyo isku-xirnaanta dhaqaalaha, kalsoonida diblomaasiyadeed ee labada dal, iyo fursadaha koronto, ganacsi iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Machadka Daraasaadka Itoobiya ayaa ku boorriyey Muqdisho iyo Addis Ababa inay sii adkeeyaan iskaashiga, maadaama guulaha diblomaasiyadeed ee la gaaray ay muhiim u yihiin xasilloonida gobolka iyo mustaqbalka Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News