24.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Koonfur Galbeed oo DF ka dalbatay inay usoo gacan geliso xildhibaan JEESOOW

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay usoo gacan geliso Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow, oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa dalabkan u gudbisay Dowladda Federaalka, iyadoo Jeesoow ku eedeysay hurinta colaad beeleedyo kusoo noq-noqday gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Xildhibaan Jeesoow dambiyo uu ka galay maamulka, isla markaana ay dacwado ka yaallaan Koonfur Galbeed.

Wuxuu ku eedeeyay Jeesoow inuu ku lug leeyahay colaad beeleedyada ka taagan gobolka, uuna ka shaqeeyo inuu qoorta iska geliyo beelaha walaalaha ee dega deegaanadaasi.

“Jeesoow maadaama uusan weli ka waantoobin oo uu wado qaskii, waxaan gacan siin ka dalbanaynaa Dowladda Federaalka si loogu soo gacan geliyo hay’adaha amniga,” ayuu yiri Wasiir Xasan Cabdulqaadir.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa bogaadiyay howlaha ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay asbuucyadii dambe ka waday degmada Wanlaweyn, isagoo sheegay in maamulka uu u madax baneeyay shaqada maxkamadda, si ay cadaaladda u dabaqdo.

Maxkamadda Ciidamada ayaa dhawaan xukunno adag kasoo saartay dhacdooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay aagga Wanlaweyn.

Maxkamadda oo kiisaskan siisay waqtiyo ku filan, kuna dhageystay xeer ilaalinta iyo sidoo kale qareennada u doodayay eedeysanayaasha ay soo saartay xukunno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi ciidan.

Xasan Buulle Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhammaan raggan ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8M u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure) oo maqanayaal ah ayaa iyaguna lagu xukumay toogasho.

Dhammaantood waxaa iaygana raggan loo haystaa weerar lagu dilay illaa 5 qof, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku qaadeen Ceelka Yaaqbariweyne, muwaadin si fool xun loogu dilay isla Yaaqbariweyne iyo falal kale oo ay kamid tahay jidgooyo lagu dhibaateeyo masaafurka.

Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow oo iyaguna kaalin ka qaatay dhacdadii foosha xumeyd ee muwaadinka lagu gubay ayaa sidoo kale lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News