Jilaa dhibay Dacish oo lagu dilay hub aan la arag

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish ayaa toogasho ku dilay Filimsameeye caan ka ahaa dalka Syria oo la oran jiray Naaji Jeref oo dhalasho ahaan kasoo jeeda isla dalka Syria.

Dilka Filimsameeyahani ayaa ka dhacay deegaanka Gaziyaantep oo aan ka fogeyn xuduudka dalka Turkiga waxaana dilka Naaji Jeref loo adeegsaday Hub aan dhawaqiisa la maqal.

Naaji Jeref ayaa Falimo dhowr ah oo lagu aflagaadeynaaya Daacish horay usoo saaray, waxaana dilkiisa loo tiiriyay Kooxda Daacish.

Naaji Jeref ayaa inta badan Aflaamtiisa ku muujin jiray gabalka Daacish oo sii dhacaaya waxa uuna sidoo kale ku matali jiray Daacish Kooxo falaago dooneysa inay bedesho Diinta.

Dowlada Syria ayaa aaminsan in dilka Naaji Jeref uu yahay mid ay ka danbeyso Dowlada Turkiga, waxa ayna Syria horay u faafisay in Dowlada Turkiga ay baadi-goobeyso Jilaa Naaji Jeref oo inta badan caan ka ahaa Syria iyo guud ahaanba dalalka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com