Axmed Madoobe oo saakay fulin uga fadhiya BJ

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland ayaa tilmaamaya in maanta Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ay ka doodi doonaan codsigii kaga yimid madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga doodi doona Codsiga Axmed Madoobe oo la xiriira in la siiyo wakhti dheeri ah oo uu kusoo magacaabayo wasiirada maamulkiisa.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa warbaahinta u sheegay in Axmed Madoobe uu isaga is laheysiiyay maamulka Jubbaland islamarkaana uu ka sameynaayo sida isaga uu doonaayo.

Xildhibaanadu waxa ay sheegen in Wasiirada uu Axmed Madoobe soo wado gabi ahaan ay garanayaan balse aysan ogeyn sababta hadana loo dib dhigaayo xili maamulka ay horyaalan qorshooyin badan.

Waxay sheegen in Axmed Madoobe uu hadda xildhibaanada Jubbaland ka doonayo muddo seddex bilood oo dheeri ah si uu usoo dhiso wasiirada maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa waxaa horay loo siiyay Fursado badan oo uu kusoo magacaabi karay Wasiiro tayo kale, balse codsiyada aan joogsiga laheyn ee ka imaanaya madaxweynaha ayaa shaki badan galiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa Safar ugu maqan magaalada Addis ababa halkaasi oo uu kulamo kula qaadanaayo Dowlada Ethiopia islamarkaana Su’aalo ka weydiineysa dhismaha maamulka Bakool Sare

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com