Somaliland oo xujo yaab leh kusoo rogtay u safarka Koonfurta Somalia

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan
Hargeysa (Caasimada Online) – Shir u socday golaha xukuumadda Somaliland ayaa laga soo saaray 7 qodob oo qaybtooda saamayn ku yeeshay isu socodka Somalia iyo Somaliand, ganacsatada iyo dadka ajaanibta ah ee soo gala gudaha maamulkaas.

Qoraalkan oo xalay kasoo baxay golaha xukuumadda Somaliland ayaa hoos loogu dhigay qiimaha laga qaadi jiray qof wada Baasaboor Somali isla markaana doonaya inuu galo deegaanada maamulka sheegtay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Waxaa sidoo kale amar lagu bixiyay in qof aan wadan Baasaboorka Somaliland uusan u safri karin meel ka baxsan maamulkaas, iyagoo faray ganacsatada iyo shirkadaha ka howl gala deegaanada ay xukumaan inaysan wax ka iib qof aan sidan kaarka aqoonsiga Somaliland.

GO’AAMADA GOLAHA WASIIRRADA SOMALILAND

1.   Dadka u dhashay Dalka Somalia ee u kala Safraya labada dal:

Dadka u dhashay Dalka Somalia waxaa laga rabaa:

a)   In ay haystaan aqoonsi buuxa (passport) si ay uga soo deggaan garoomada dalka Jam. Somaliland ama uga soo galaan xuduudaha kale.

b)   Qofkii ka dhoofaya garoomada Somaliland ee aan haysan passport waa in uu ka soo qaato xafiiska socdaalka “Somaliland Immigration Office” warqadda socdaalka ee ku laabashada dalkiisa “Go Home Paper”  ka hor inta aanu goosan ticket-ka duulista uu ku laabanayo.

c)   Dadka reer Soomaaliya, si loogu fududeeyo looguna dhiirigeliyo inay sticmaalaan Passport-ka dalkooda (Soomaaliya), qiimaha gelidda dalka “Entry Fee” waxa laga dhigay $15 (shan iyo toban Dollar) qofkiiba.

2.  Muwaadiniinta Somaliland ee u kala Safraya labada dal:

Muwaadiniinta  Somaliland ee u socdaalaya Dalka Soomaliya “Marka laga reebo inta aan xeerararka JSL u oggolayn” waxa looga baahan yahay in ay haystaan:

a)   Passport-ka Dalka Somaliland, hadii kale Ticket looma goyn doono ama

b)   Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka  Somaliland (ID),Muwaadinka u dhashay Jam. Somaliland ee ku soo noqonaya dalka waxaa looga

baahan yahay:

a)   In uu haysto/in ay haysato Passport  Somaliland ama

b)   Warqada aqoonsiga jinsiyadda muwaadinka Somaliland (ID) ama

c)   In uu keeno/ in ay keento qof dammiin ah oo isaga/iyada garanaya in uu yahay /in ay tahay muwaadin u dhashay Jam. Somaliland ah, isla markaana uu soo buuxiyo/ ay soo buuxiso Warqadda Macluumaadka Shaqsiga oo ay bixin doonaan Shirkadaha Diyaaraduhu.

3. Arrinta Dadka Ajaanibka ah ee Sharci-darrada ku jooga Dalka iyo Qul-qulka

Tahriibayaasha:

1)  Waxa reeban in qof ajaanib ahi uu dalka iska soo galo bilaa Fiise (Cir, Bad iyo Berri)’ fiisaha dalka lagu soo galayo waxa laga bixin doonaa marinka ugu horeeya ee uu qofku Jam. Somaliland ka soo  galayo, iyadoo si degan loo hubinayo. Sidoo kale, Fiisaha dalka lagu soo galayo waxa uu qofku  ka soo qaadan karaa  dalka uu ka imanayo isagoo maraya Xafiiska Somaliland uga furan dalkaas.

2)  Waxa reeban in dadka shisheeyaha ah ee aan isir ahaan u dhalan JSL ay sharci-darro ku joogaan dalka. Laga bilaabo 01.01.2016 ruux kasta oo sharci-darro ku jooga JSL waa in uu kaga baxo 30 cisho gudahood, ama waa in uu muddadaa gudaheeda ku qaato Warqadda Oggolaanshaha Degganaanshaha Dalka. Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka saaraan Dalka Jam. Somaliland.

3)  Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaan in Goobaha Ganacsiga sida Hoteellada la seexdo, Xawaaladaha, Guryaha la kireeyo, Macraddada Baabuurta, iwm ay qofka u adeegaan ilaa ay si buuxda u hubiyaan sugnaanshihiisa oo ay waydiiyaan aqoonsi “ID card” isla markaana ay nuqul ka reebaan aqoonsigiisa.

4)  Laga bilaabo 01.01.2016-ka, go’aamada ka soo baxay Xukuumaddu waxay si rasmi ah u mamnuucayaa in Shirkadaha Telefoonnada iyo Is-gaadhsiintu ay iibiyaan sim-card-ka telefoonka aqoonsi la’aan. Cid kasta oo loo furayo khadka telefoonka waa in la diwaangeliyo, koobi aqoonsigooda ahna laga reebo.

5)  Xukuumadda JSL waxay shacbi weynaha Jam. Somalilandka ku adkaynaysaa inay feejignaadaan kana wada shaqeeyaan sugitaanka amniga iyo xasiloonida dalkooda. Sidoo kale, Xukuumaddu waxay shacbi weynaha ku wargelinaysaa inay u hoggaansamaan go’aannada cusub isla markaana ay buuxda ula shaqeeyaan Hay’adaha Qaranka ee amniga ku hawlan.

6)  Waxa reeban in qof ajaanib ahi wax shaqo ah ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland ruqsad la’aan. Cid kasta oo aan u dhalan dalkan, waxa ku waajib ah in ay qaadato Warqadda Ruqsadda Shaqada. Laga bilaabo 01.01.2016-ka, qof kasta oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya Dalka (nooc kasta oo ay tahayba) waa inuu muddo ku siman 30 cisho ku qaato Warqadda Ruqsadda Shaqada“Work Permit”.

Muddadaa kaddib, Hay’adaha Ammaanka ee ay arrintani khusayso waxa ku waajib ah inay qofka ka joojiyaan shaqada uu hayo, haddii aanu lahayn sharcina ay Dalka ka saaraan.

Intaas ayaa lagu soo afmeeray warka qoraalka ah ee habeenkii xalay kasoo baxay Aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeen Xuseen Aadan Cige Deyr.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com