Dhageyso: Turkey oo diiday in lagula xisaabtamo daqliga ka yimaada garoonka iyo dekedda Xamar

Muqdisho (Caasimada onlin)-Dr Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa ka hor sheegay baarlamaanka hortiisa iyo shirkadaha lagu wareejiyay garoonka diyaaradaha iyo dekada Muqdisho diideen in lagula xisaabtamo dhaqaalaha kasoo xarooda.

Dr Nuur Faarax, wuxuu sheegay in shirkadaha oo laga leeyahay dalka Turkiga ay iska dhaadhiciyeen inaan lagula xisaabtami karin dhaqaalaha ka imaanaya Garoonka diyaaradaha iyo dekada magaalada Muqdisho oo aan la hanti dhowri karin.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka ayuu ugu baaqay  Dr.Nuur Faarax in ay wax ka qabtaan inta aan la gaarin Bisha Janaayo oo Maalmo ay naga xigaan si loo soo xiro Xisaab xirka Sanadka 2015.

Shirkadaha kala ah Favori iyo Al-Bayrak aya Maamula Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda weyn,iyadoo aysan jirin wali wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadahaasi Eeda loo jeediyay.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com